Saturday, 2 February 2013

Doodee Maxaa Tahay?



    Dadaal dhaxalgal oo run ah
Dadkoo idil ka qayb galo
Danta guud ka talinkaraa    
Darxumada ka bi’inkara
Daawana u noqonkara           
Dood baa albaab u ah
Dulmiyada isbuurtee 
Dalkeennii burburiyee
U horseeday daayaca              
iyo mahadho daaim ah
Dariiq lagu badalikaro                 
dood baa albaab u ah

Madax dulan talisoo               
dadka aan tashi ba galin
Maslaxana daryeelayn               
dadwaynaha xaqiis dhici
Inaan duminno dhaqankaas       
dood baa albaab u ah

Dad xun baa hogaanshoo         
doodaha ka xirayoo
Uba diiday nolashoo        
    kuna dilay warkoodii      
    da'yartiinna joogtaay                
dariiqaa ha qaadina
Doodaha dhexdiina ah           
yaa daawo noqonoo
Dadkiinana wax barikara         
dalkiinana xoraynkara
Dulligana ka'baabi'in                 
Oo darajo siin kara

1 comment:

  1. maashaa allaaah runtiii waa erayo qiirad mudan wadaniyad ah isal markaana ina jjecleeysiinaya wax barashada mudane drcali waan ladhacay runtii erayaadada runta ah wadani iyo halyeey daacad ah dadkane wax tari karaa waa dr.ali iyo da'yarta waxbaratay sidiisa ardayeey digtoonaada oo ogaada darajada wadaniyada ayaan ku darayaa waa aldhaalib mokhtar adow mohamud albaraadici oo kamid ah usrada jaamicatu muqdishoo

    ReplyDelete