Thursday, 21 February 2013


Mashaqadan Ayaa dhalay?  


Maxaa dhalay dhibaatadan
dhashu ay ku sugan tahay
    dhaqan xumada qayb ka ah
Dhabarkooda jabisoo
Dib u dhigay korriinshaha
Dhammaan ubadka oo idil
Dhanwalbood ka eegtaba
Dhibaatiyo logooyaa
dhan walbaba ka haysoo
Isxilqaanki dhumisoo
Dhabta nolasha garabmarin

Maxaa dhalay dhibaatadan
Dhalinteenna xooga ah
Dhib yaraan la jiifaan
Oy ka dhowri howlaha
Dadkaloo dhaqaaqoo
Xilka dhabarka saartoy
Dhididkooda quutaan
Ka dhargaan waxay siin
Dhib la'aanna noolaan?
Dhimashana ku sogayaan

Maxaa dhalay dhibaatadan
Oday dhaqamadeennii
Dhibta wayn u mari jiray
Inay nabada dhaliyaan
Dhanqaryada ka dhowraan
Ku dhaqaan dad waynaha
Markii uu dhib wayn jiro
Ku dhaqaaqijiray howl
Dhanka fiican loo wado
Inay maanta dhiilliyo
Dhibta iyo xumaatada
Dhinaceeda doortaan
Dhaqankiina lumiyaan?
Maxaa dhalay Dhibaatadan
Oo dhaarta beenta ah
Dhib yaraanta loo mari
Haddaan madaxdu dhowrayn
Dhab ahaan u hayn karin
Ballantay ku dhaartaan
Oon laga dhabaynayn
Waxay dhaartu mudantahay
Dhaqan dowlo laga fili
Dhulkuna uu ku nabad gali
Dadkuna ay dhibaatiyo
Dhalanteedka kaga bixi?

Maxaa dhalay dhibaatadan
Kuwii qalinka dhuuxee
Aqoon dhumuc leh yeeshee
Dhadhansaday waxbarashada
Dhibaatadu markay timid
Madax dhaba ma'ay noqon
Dhulka way ka dhoofeen
Dhankooday cidleeyeen
Dhabbihii cilmigu falay
Dhankeesaba ma'ay dayin
Dhaban kaag ayaa dhacay
Iyo waxaan la dowrayn?

Dhab ahaan u eegoo
Dhan walbaba ka fiirshoo
U dhaadhiciya hoosoo
Maskaxduna ha dhuuxdee
Jawaab dhaba ayaan sugi
Oon ka dhowri wadartiin
Dhibyaraan fudayd iyo
Dhayal yaysan nagu marin
Dhibtu waa mid guud oo
Nolasheena dhaawici
Oo dhabarka jabin kari
Ama keeni dhimashaba



1 comment:

  1. شكراًأستاذنا وقدوتنا! وبارك الله فيك

    ReplyDelete