Tuesday, 19 February 2013

Wax Khaldani Madhalo Wax Sax Ah Oo Dhammaystiran

Hal xaaraan ihi nirig xalaal ah ma dhasho.
Aray ka hallaabay alf albaqara kuma tooso

Waxay xikmadahani tilmaamayaan sida uu muhiim u yahay unuga uu ka billabmi wax kasta oy ku dhisantahay nolasheennu, hiiddi uu khaldamo arrinka billowgiisu gadaal kama hagaago, sikasta uu u tarmo waa khasaare maxaa yeelay meeshuu ku dhamman ayaan khalad ah.

Waxaa lagama maarmaan ah in dadaal dheri ah aan ku bixinno goob xaadhka shaqo kasta oon rabno inaan ku tallaansanno, middaasi waxay fududaynaysaa qaabka aan wax u qabanaynno, waxay soo gaabinaysaa waqtiga ay qaadanayso fulintu, waxay aad u yaraynaysaa gafafka dhaca marka howl la fulinaayo.

Diinteennu waxay aad u qeexday dariiqa loo maro guusha, kaaso ka billowda niyada oo saafi ah oo ruuxu go,aansanaayo inuu shaqo sax ah qabto, kana ilaaliyo wax kastoo burrinaaya shaqada uu niyaystay,  taasoo laga rabo in uu dhammaystiro, uusan dhexda kaga tagin, lagana ilaaliyo khayaano iyo wax isdabamarin, iyo waxkasto oo xaaraan ku ah jidka diinta ilaahay.

Sida howsha loo ilaalin billowgeeda ayaa la raba in loo ilaaliyo marxalad kasta oy marayso,
Billow khaldan wuxuu keeni dhammaad kaldan.
ILAAHAY ma aqbalaayo shaqo aan oofsanin shuruudii laga rabay.
Ka digtoonow inaad galiso waqtigaaga, Xoolahaaga,iyo fikirkaaga shaqo khalaad ah.
ان الله لا يصلح عمل المفسدين

  

2 comments:

  1. waad mahadsantahay dr ali rabina hakaa jaza siiyo maqaalkaan yar ee faa,idada weyn xambaarsan

    ReplyDelete
  2. Thank you my friend. This is a great lesson and a reminder. God bless!!

    ReplyDelete