Wednesday, 22 April 2015

خلع الحجاب في مصر


خلع الحجاب في مصر
المقال نشرتها "نافذة مصر"
بقلم  الاستاذ شعبان عبد الرحمن

 الدعوة جاءت من صحفي علماني نصراني متطرف هوشريف الشوباشي لنساء مصر لتنظيم مليونية في ميدان التحريرفي الأسبوع الأول من شهر مايو القادم. 

·       قرن الشوباشي دعوته بهجوم ضارعلي المحجبات قائلا : 99 % من العاهرات محجبات و70 % ممن يلبسن الحجاب اما خوفا او قسرا او تهديدا من الزوج .

·       تساند شريف الشوباشي في دعوته شقيقته الصحفية العلمانية فريدة الشوباشي التي اعتنقت الاسلام إرضاء لزوجها الراحل المسلم .. وفق طوني خليفة.

·       يساند الشوباشي في دعوته متطرفو العلمانية ودعاة الالحاد مثل سيد القمني و هدى بدران رئيس ما يسمى بالاتحاد العام لنساء مصر

·       الشوباشي صاحب تاريخ من العداء للإسلام فهو من اكبر الداعين لكتابة اللغة العربية والقرآن  بالحروف اللاتينية زاعما أن ذلك خطوة نحو ما يسميه مواكبة العصر .ام لنساء

·       شريف الشوباشي يدعي ان دعوته تأتي نكاية في الاخوان المسلمين وهو في حقيقته أحد سماسرة الحرب علي الإسلام .

·       شريف الشوباشي فاسد تمت اطاحته من ادارة مكتب"الأهرام" بباريس في عهد الرئيس محمد مرسي، بعد 22عامًا أمضاها على رأس المكتب بتهم فساد إذ كان يتولى الإشراف على إرسال "هدايا الأهرام"، وهي القضية التي تورط فيها مبارك وعدد من وزرائه .

·       د. سعيد اللاوندي الذي عمل نائبًا للوشوباشي في مكتب "الأهرام" بباريس كان قد فضح فساده علي  صفحات جريدة "الوطن"، في عددها الصادر بتاريخ 18 يناير  2013 وذلك في مقال  شبه فيه مكتب مكتب الأهرام فى باريس بقلعة حصينة لا يعرف أحد ماذا يدور فيها.

·       دعوة الشوباشي ليست عفوية كما يظن البعض وإنما تأتي في إطار الحرب الشاملة علي الإسلام في مصر بعد انقلاب العسكروقد بلغت ذروتها بدعوة السيسي في احتفال المولد النبوي في يناير الماضي إلي ثورة دينية لتغيير المفاهيم التي عفا عليها الزمن-حسب تعبيره - .

·       تبع دعوة السيسي حملة واسعة علي الإسلام والفكروالقيم الإسلامية فقد قامت وزارة "التعليم" بحذف شخصيات مهمة مثل صلاح الدين وعقبة بن نافع من مناهجها

وقامت الوزارة بحرق مجموعة من الكتب داخل إحدى المدارس الخاصة بمديرية التربية والتعليم بمحافظة الجيزة، بحجة أنها  تحض على العنف والإرهاب .

·       هجوم إعلامي هابط يتطاول على الرسول صلي الله عليه وسلم وأحاديثه النبوية الشريفة والصحابة وأئمة الفقه والعلماء..يديره إبراهيم عيسي – إسلام البحيري – ميزو.!

·       دعوة الشوباشي امتداد لما فعلته هدى شعراوي " التي روج الاعلام لها علي أنها رائدة التحرر والسيدة الفذّة في العصر الحديث التي كانت  تتباهى بأنها أول امرأة ارتدت "الشورت"في شوارع مصر .
·       دعوة الشوباشي امتدادا لسخرية عبد الناصر في خطبة شهيرة من الإسلام ومن الحجاب https://www.youtube.com/watch?v=iJFV7jHRsEg

 

·       دعوة الشوباشي المجرمة جاءت في الوقت الذي سمح فيه القضاء البريطاني للنساء بارتداء النقاء وقال  رئيس المحكمة العليا البريطانية اللورد نيوبرجر في حكم أصدره يوم الجمعة 17 / 4/ 2015م :إنه يتعين على القضاة السماح للمسلمات بالمثول أمام المحاكم وهن مرتديات للحجاب الذى يغطى الوجه بالكامل، وذلك احتراما للثقافات المختلفة.

·       وأخيرا ..في الهند أرادت فتاتان حرق الحجاب علنا في تظاهرة جماهيرية فأحرقها الله عز وجل

·       https://www.youtube.com/watch?v=huKNd2glUFA&feature=youtu.be 

·       دعوة الشوباشي ستتلوها دعوات أخري من معسكر الحرب علي الإسلام بدعم من الانقلاب والكنيسة وكتائب العلمانيين المنحرفين ...فحرب أعداء الله علي دينه ستتواصل حتي يرث الله الأرض ومن عليها وسينتصر الاسلام بإذن الله 
المقالات المنشورة تحمل وجهة نظر أصحابها، ولا تعبر بالضرورة عن رأي الموقع

Tuesday, 7 April 2015

War maxaa is dabamaray?



War maxaa is dabamaray
Quruxdii maxaa daday
Dusha qudhnka kaga raray 
Iyadoon la diidayn

Oo doorshay midabkii
Daawadhada mudnaan jiray 
Oo diiday sharaftii 
Maslaxada ku daabnayd?

Dulmigiyo qalloocaa 
Dalkii iyo dadkii rogay 
Iyo Dowlad Xumadaa 
Laga doortay tii kale

Oo loo durbaan tumi 
Danbigii la soo galay 
Lagu dumiyay qarankii 
Dariskiina kala qaxay 

Diintiyo akhlaaqdii
Daa'imkeennu uu faray 
Dagaal wayn ku qaadnoo
La diidoo la daayacay 

Isku duubnideenniyo 
Dareenkii wadaninimo 
Xabaal durugsan lagu riday
Dusha miino laga dhigay 

Iyo madax danteed tahay
Inay doollar lacageed 
Laaluush ku doontaan
Kolba mooshin dabadi 
Marna aan ka daalayn 

Waa mahadho daa'ima
Iyo dabin la qooloo 
Qarankeenna lagu dili 

Waa ceeb dillaacdoo
Caruurteenna dabataal
Dagdagna loo asturi karin 

Waa dhacdooyin daran oo
Taariikhda lagu daray
Ribboodyana ku daabacan 

Xumaantaa is dabataal
Dadku qabatimeen oo
Distoor runa ah ka yeesheen 
Duqayduna ku sheekayn 
Da'yartuna ku dhaantayn 

Daawo yaa u heli kara 
Dariiq toosan fali kara
Daw qalloocday sixi kara 
Dababkaa holcaayiyo
Fidnadeeda damin kara
Danta guudna fulin kara 
Musuqmaasuq dayn kara 
Caddaalana ku dayi kara
Oo loo duceeyaa 

Sunday, 5 April 2015

wadanyahaw la dhaawacay

Ardayda Soomalida ee Istanbul oo muxaadaradan igu martiqaaday way ku mahadsantihiin.. Oo ciwankeedu ahaa: dhalinta wax barata Iyo kaalinta ay ku leeyihiin isbadalka dalkooda.

"Waddanyahow la dhaawacay"

Waa maanso aan Ka tiriyay kulankaas sharafta leh
Ku soo dhawaada:

Waddanyahow la dhaawacay
Dhiigiisu quban abid
Dhallintii wax baratee
Aqoon dhumuc leh sidatee
Go'aan dhaba la timid ee

KU dhaartoo ku dhiidhiday
Dhabna ay ka tahay tani
Yaa dhaqan qalloocdiyo
Dhibta kaa yarayn kara
Dhaawacaaga daawayn

Cadowgaa dhammaantiis
Dhimashadaada wada sugi
Inuu dhariga kugu rido
Hilibkana dhammaan iyo
Dhuuxiyo lafaha cuno
Dhulkana uu u soo hadho
Yaa dhiiranaan qaba
Ma'yeelaynno dhihi kara?

Dhallintii wax barataa
Laga sugi go'aan dhab ah
Dhulka inay yiraahdaan
Ha is dhiibin waligaa
Annagaa dhib kuu mari
Dhimashada nafteenniyo
Dhiigeenna kuu huri.
Jawaab dhaxalgal waa tane

Ka dhabeeya waligiin

Monday, 23 March 2015

Hogaan

Ummaddaan hoggaan saxa lahayn

Howli uma toosto


Habka nolasha way dabamaraan

Mana hanuunaane

Thursday, 12 March 2015

Indhoole

Ma ogtahay inay tahay
Aragtidu wax kale oon
Indheheennu qaban karin
Awoodeedu sare tahay
Lagu hago adduunyada
Iftiinkeeda kaan helin
Waa indhoole dam ahoo
Aqoontiis ku meel marin
Ummaddiisa hagi karin

Wednesday, 11 March 2015

maalinta Dumarka

Maalinta dumarku 
tusaalehee ayay innoo leedahay?

Ummad ku fillaanweyday dumarkiyo caruurtii maxay qiimo leedahay ooy ku faani kartaa?

Musawirkan murugtale waa markii qasab loogu celinaayay dalkoodii soomaalia oo ragiisii la diriraayo dowladnimo iyo nidaam rajo abuura.
LAALUUSH ayay mashquul ku yihiin iyo mooshinkii lagu soo dabilahaa.
Waa garoonka Nairobi meesha laga tarxiilin maamooyinka iyo caruurtooda

Maansadan munaasabadaa ayaa igu dhalisay

Inaad toosantahay ood
Tilmaan fiican noqotoo
Tiir liicin aad tahay
Bulshaduna tix galisaa
Hadal kuma timaadee
 Tarbiyada caruurtiyo
Isku toosni qooyskiyo
Dumarkoon tayaynnoo
Dulligaa tisqaadiyo
Tows iyo dhib waayaa
Tusaalayn waxaad tahay

Sunday, 1 March 2015

Qowsaarki oo xadi

Kaaf iyo kala dheeri !!!
Ceella uma qodnna ciidanna uma maqna.

Waa marwo ka mid ah baarlamaanka soomaalia 
VIP albaabkeeda ayay taagnayd
Wixii laga rabay maysan buuxin
Si xushmo ku jirto ayaa loola hadlay.

intay si la yaab leh u fiirisay oo sidii ruux xaqiisii laga qaatay is ciil kaambiday Ayay tiri:
Anoo xubin baarlamaanka ah ayaa waxaa iga celin meeshan midkan oo kale.

Ayaa u maqan sharciga dalka haddi masuuliintii loo doortay inay hagaan ay ku tumanaayaan?
Masalka carbeed ayaa ahaa
حاميها حراميها

Sunday, 4 January 2015

Cumar xasan Cali. Ilaahay ha u naxariisto

Cumar  xasan Cali.
Ilaahay ha u naxariisto,

 Ardaygennii sharafta lahaa Cumar Xassan Cali.
Oo gacan Ka xaqdaran ku dhintay
Maalinti Axadda 28 -12-2014. 
Dilkani waa dhacdo ku timid u kas Iyo maag,waxaana toogtay nin Ka tirsan Askarta  dowladda Soomaliya ,wuxuu  sagootinaayay Arday  kale ooy Ka wada yimaadeen Jaamicadda Moqdisho kuna naystay gurigooda oo ku yaalla xaafaddaa afarta Jardiino  Dagmada  yaaqshiid.

Wuxuu  diyaarinaayay imtixaankii Simistarka  koobaad oo billaabanayay todobaadkaas, wuxuu Ka mid ahaa kumannaan arday oo MU Ka tirsan loona diyaarinaayo dib u dhiska dalkeennaa Iyo hogaanka bulshadeenna.

Wuxuu ahaa Injineer  soo koraaya,si fiican u dhismaaya oo Ka tirsanaa kulliyada Injineerka  ee Jaamicadda Moqdisho.

Xanuun wayn ayaa Ka dhashay dhimashada Cumar oo taabtay ruux kasta oo Ka tirsan MU maxaayeelay arday walba wuxuu masalaayaa tiir adag oo Ka mid ah dhismaha ummadda oo u baahan aqoonyahan caafimaad qaba kana adag kaalintiisa.

Waxaan u sheegaynaa  kuwa hagardaamaynaya dalka in aannaan Ka aqbalayn  danta xun ay leeyihiin oo ah in laga daalo dib u yegleelka guri lagu nasto oo mustaqbalka carruurteenna damaanad qaada,waxaan isku samirsiinaynaa dariiqii Cumar in uusan duugmin   Soona  xirmin ,  kumanaanka nool Iyo kuwa dhalandoona ayaa dhammaystiri hawsha uu  ka tagay Cumar.
Waxaan leenahay waalidkiis  Iyo macallimiintiisii Iyo saaxiibadiisii Iyo qaraabadiisii  Ilaah  Samir haka siiyo. 

Waxaa khasaare qaba ka dilay oon hubo in uuna  nasanaynin aduun iyo Aakhiraba.
ولتعلمن نبأه بعد حين
Tixdan ayaa igu soo dhacday markaan maqlay geerida Cumar.

Kuwa nolasha dumiyoow
La dagaashan sharaftoow
Dalka ubixis dubanoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan

Kuwa nolasha dumiyoow
Dalag baxa ku diranoow
Danta guud burburiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan

Kuwa nolasha dumiyoow
Da'yarteenna soo kici
Dhiigooda daadshoow
Rajadooda dumiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan

Kuwa nolasha dumiyoow
Duulkii aqoon wada
Dab iftiima noo hurin
Mugdigana u daawa ah
Inuu damiyo nuurkaas
Dadaal wayn ku bixiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan

Midka dilay ardayganoow
Dhiigiisa daadshoow
Adigoo dirays Iyo 
Astaan dowladeed qaba
Wax dilkaagan waa faray?
Dacwadayda laliyoo
Dadka u sarreeyiyo
Madaxdaan u dirayaa
Jawaab dihin Ka sugayaa!!!