Sunday, 4 January 2015

Cumar xasan Cali. Ilaahay ha u naxariisto

Cumar  xasan Cali.
Ilaahay ha u naxariisto,

 Ardaygennii sharafta lahaa Cumar Xassan Cali.
Oo gacan Ka xaqdaran ku dhintay
Maalinti Axadda 28 -12-2014. 
Dilkani waa dhacdo ku timid u kas Iyo maag,waxaana toogtay nin Ka tirsan Askarta  dowladda Soomaliya ,wuxuu  sagootinaayay Arday  kale ooy Ka wada yimaadeen Jaamicadda Moqdisho kuna naystay gurigooda oo ku yaalla xaafaddaa afarta Jardiino  Dagmada  yaaqshiid.

Wuxuu  diyaarinaayay imtixaankii Simistarka  koobaad oo billaabanayay todobaadkaas, wuxuu Ka mid ahaa kumannaan arday oo MU Ka tirsan loona diyaarinaayo dib u dhiska dalkeennaa Iyo hogaanka bulshadeenna.

Wuxuu ahaa Injineer  soo koraaya,si fiican u dhismaaya oo Ka tirsanaa kulliyada Injineerka  ee Jaamicadda Moqdisho.

Xanuun wayn ayaa Ka dhashay dhimashada Cumar oo taabtay ruux kasta oo Ka tirsan MU maxaayeelay arday walba wuxuu masalaayaa tiir adag oo Ka mid ah dhismaha ummadda oo u baahan aqoonyahan caafimaad qaba kana adag kaalintiisa.

Waxaan u sheegaynaa  kuwa hagardaamaynaya dalka in aannaan Ka aqbalayn  danta xun ay leeyihiin oo ah in laga daalo dib u yegleelka guri lagu nasto oo mustaqbalka carruurteenna damaanad qaada,waxaan isku samirsiinaynaa dariiqii Cumar in uusan duugmin   Soona  xirmin ,  kumanaanka nool Iyo kuwa dhalandoona ayaa dhammaystiri hawsha uu  ka tagay Cumar.
Waxaan leenahay waalidkiis  Iyo macallimiintiisii Iyo saaxiibadiisii Iyo qaraabadiisii  Ilaah  Samir haka siiyo. 

Waxaa khasaare qaba ka dilay oon hubo in uuna  nasanaynin aduun iyo Aakhiraba.
ولتعلمن نبأه بعد حين
Tixdan ayaa igu soo dhacday markaan maqlay geerida Cumar.

Kuwa nolasha dumiyoow
La dagaashan sharaftoow
Dalka ubixis dubanoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan

Kuwa nolasha dumiyoow
Dalag baxa ku diranoow
Danta guud burburiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan

Kuwa nolasha dumiyoow
Da'yarteenna soo kici
Dhiigooda daadshoow
Rajadooda dumiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan

Kuwa nolasha dumiyoow
Duulkii aqoon wada
Dab iftiima noo hurin
Mugdigana u daawa ah
Inuu damiyo nuurkaas
Dadaal wayn ku bixiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan

Midka dilay ardayganoow
Dhiigiisa daadshoow
Adigoo dirays Iyo 
Astaan dowladeed qaba
Wax dilkaagan waa faray?
Dacwadayda laliyoo
Dadka u sarreeyiyo
Madaxdaan u dirayaa
Jawaab dihin Ka sugayaa!!!


No comments:

Post a Comment