Wednesday, 11 March 2015

maalinta Dumarka

Maalinta dumarku 
tusaalehee ayay innoo leedahay?

Ummad ku fillaanweyday dumarkiyo caruurtii maxay qiimo leedahay ooy ku faani kartaa?

Musawirkan murugtale waa markii qasab loogu celinaayay dalkoodii soomaalia oo ragiisii la diriraayo dowladnimo iyo nidaam rajo abuura.
LAALUUSH ayay mashquul ku yihiin iyo mooshinkii lagu soo dabilahaa.
Waa garoonka Nairobi meesha laga tarxiilin maamooyinka iyo caruurtooda

Maansadan munaasabadaa ayaa igu dhalisay

Inaad toosantahay ood
Tilmaan fiican noqotoo
Tiir liicin aad tahay
Bulshaduna tix galisaa
Hadal kuma timaadee
 Tarbiyada caruurtiyo
Isku toosni qooyskiyo
Dumarkoon tayaynnoo
Dulligaa tisqaadiyo
Tows iyo dhib waayaa
Tusaalayn waxaad tahay

1 comment:

  1. Dareen xumada ragga soomaaliyeed oo ku aaddan dumarka ayaa qayb ka ah burburka bulshadeenna

    ReplyDelete