War maxaa is dabamaray
Quruxdii maxaa daday
Dusha qudhnka kaga raray
Iyadoon la diidayn
Oo doorshay midabkii
Daawadhada mudnaan jiray
Oo diiday sharaftii
Maslaxada ku daabnayd?
Dulmigiyo qalloocaa
Dalkii iyo dadkii rogay
Iyo Dowlad Xumadaa
Laga doortay tii kale
Oo loo durbaan tumi
Danbigii la soo galay
Lagu dumiyay qarankii
Dariskiina kala qaxay
Diintiyo akhlaaqdii
Daa'imkeennu uu faray
Dagaal wayn ku qaadnoo
La diidoo la daayacay
Isku duubnideenniyo
Dareenkii wadaninimo
Xabaal durugsan lagu riday
Dusha miino laga dhigay
Iyo madax danteed tahay
Inay doollar lacageed
Laaluush ku doontaan
Kolba mooshin dabadi
Marna aan ka daalayn
Waa mahadho daa'ima
Iyo dabin la qooloo
Qarankeenna lagu dili
Waa ceeb dillaacdoo
Caruurteenna dabataal
Dagdagna loo asturi karin
Waa dhacdooyin daran oo
Taariikhda lagu daray
Ribboodyana ku daabacan
Xumaantaa is dabataal
Dadku qabatimeen oo
Distoor runa ah ka yeesheen
Duqayduna ku sheekayn
Da'yartuna ku dhaantayn
Daawo yaa u heli kara
Dariiq toosan fali kara
Daw qalloocday sixi kara
Dababkaa holcaayiyo
Fidnadeeda damin kara
Danta guudna fulin kara
Musuqmaasuq dayn kara
Caddaalana ku dayi kara
Oo loo duceeyaa
No comments:
Post a Comment