Sunday, 5 April 2015

wadanyahaw la dhaawacay

Ardayda Soomalida ee Istanbul oo muxaadaradan igu martiqaaday way ku mahadsantihiin.. Oo ciwankeedu ahaa: dhalinta wax barata Iyo kaalinta ay ku leeyihiin isbadalka dalkooda.

"Waddanyahow la dhaawacay"

Waa maanso aan Ka tiriyay kulankaas sharafta leh
Ku soo dhawaada:

Waddanyahow la dhaawacay
Dhiigiisu quban abid
Dhallintii wax baratee
Aqoon dhumuc leh sidatee
Go'aan dhaba la timid ee

KU dhaartoo ku dhiidhiday
Dhabna ay ka tahay tani
Yaa dhaqan qalloocdiyo
Dhibta kaa yarayn kara
Dhaawacaaga daawayn

Cadowgaa dhammaantiis
Dhimashadaada wada sugi
Inuu dhariga kugu rido
Hilibkana dhammaan iyo
Dhuuxiyo lafaha cuno
Dhulkana uu u soo hadho
Yaa dhiiranaan qaba
Ma'yeelaynno dhihi kara?

Dhallintii wax barataa
Laga sugi go'aan dhab ah
Dhulka inay yiraahdaan
Ha is dhiibin waligaa
Annagaa dhib kuu mari
Dhimashada nafteenniyo
Dhiigeenna kuu huri.
Jawaab dhaxalgal waa tane

Ka dhabeeya waligiin

No comments:

Post a Comment