Dadaal dhaxalgal oo run ah
Dadkoo idil ka qayb galo
Danta guud ka talinkaraa
Darxumada ka bi’inkara
Daawana u noqonkara
Dood baa albaab u ah
Dulmiyada isbuurtee
Dalkeennii burburiyee
U horseeday daayaca
iyo mahadho daaim ah
Dariiq lagu badalikaro
dood baa albaab u ah
Madax dulan talisoo
dadka aan tashi ba galin
Maslaxana daryeelayn
dadwaynaha xaqiis dhici
Inaan duminno dhaqankaas
dood baa albaab u ah
Dad xun baa hogaanshoo
doodaha ka xirayoo
Uba diiday nolashoo
kuna dilay
warkoodii
da'yartiinna
joogtaay
dariiqaa ha qaadina
Doodaha dhexdiina ah
yaa daawo noqonoo
Dadkiinana wax barikara
dalkiinana xoraynkara
Dulligana ka'baabi'in
Oo darajo siin kara
Oo darajo siin kara
maashaa allaaah runtiii waa erayo qiirad mudan wadaniyad ah isal markaana ina jjecleeysiinaya wax barashada mudane drcali waan ladhacay runtii erayaadada runta ah wadani iyo halyeey daacad ah dadkane wax tari karaa waa dr.ali iyo da'yarta waxbaratay sidiisa ardayeey digtoonaada oo ogaada darajada wadaniyada ayaan ku darayaa waa aldhaalib mokhtar adow mohamud albaraadici oo kamid ah usrada jaamicatu muqdishoo
ReplyDelete