Dhaqanku
wuxuu u taaganyahay qaab nolaleed muddo dheer soo dhismaayay, kaasoo jiilba
jiil ka dhaxlaayay, ilaa uu ka noqday wax aan lagaba hadli karin, ruuxii
khilaafana loo arko inuu waalan yahay ama uu khaldan yahay, maxaayeelay waqti
aad u dheer ayay dhaqamadu samaysmaan oy si adag u dhex dagay labada caqlli ee
maskaxdeennu ku shaqayso.
ILAAHAY
WUXUU KU YIRI QURAANKIISA SHARAFTALEH:
{وَكَذَلِكَ مَا أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ فِي قَرْيَةٍ مِنْ
نَذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا وَجَدْنَا آبَاءَنَا عَلَى أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَى آثَارِهِمْ مُقْتَدُونَ (23)
قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكُمْ بِأَهْدَى مِمَّا وَجَدْتُمْ عَلَيْهِ آبَاءَكُمْ
قَالُوا إِنَّا بِمَا أُرْسِلْتُمْ بِهِ كَافِرُونَ} (24)
Markay maqleen mushrikiintu islaamka waxay la soo
boodeen jidka aan haynno ayaa toosan, oo waa kaan ka dhaxalnay aabayaasheen, waxkastoo la sheegana ma
rumaynayno balse waan beeninaynnaa.
Dhaqanka
ayaa beera horumarka ama dib u dhaca umadaha adduunka, 12 saacadood in loo
fadhiyo shax ciyaarteed, ama sheeko aan waxba ka soo baxaynin waa dhaqan abuurmay
oo u baahan in lagu badalo dhaqan kale oo ku salaysan shaqo iyo howl aan marna
istaagin, taaso loo arko in ay leedahay sharaf, qiimo wayn, iyo nolal lagu
raaxaysto. Waxaan aad u xusuustaa 1996 markii daadadku dhibaatada u gaysteen
dalka soomaaliyeed qaybta koonfureed oo idil ayaa waxaa dillaacay wabiga
shabeelle uu ka garab samaysmay wabi kale oo maansheeyay boqollaal kiiloo mitir,
dhulkaas waxaa buuxiyay malalay aan xadba lahayn, oo barriga u soo baxay kana
soo fogaaday biyihii uu ku noolaa, in bil ka badan ayaa waxaa cunaayay haad ama
shinbiro ka yimid dhulal kale, waxaan marnaba aadan indhaha saaraynin wax dad
ah oo isku dayaaya in ay ka faa'iidaystaan nicmadan u timid iyagoon dadaal ku
bixinin, waa gaajaysan yihiin oo waxay baahi wayn u qabaan cunto ay ku
noolaadan, intay kalluun cuni lahaayeen waxay u dhimanayaan gaajo, oo waxaaba
ceeb ah in la cuno waxaasoo kale, waa dhaqan abuuran oo xididaystay aad u
gaamuray, wuxuu u baahanyahay dadaal joogta ah oo ka soo billowda caruuraha iyo
wax barashada hoose.
Meesha
aan saa ka nahay dadka reer jabaan waxaa labara oo malyuunno lagu bixiyaa sidii
loo bari lahaa (NASASHADA) oo aynan aqoonin, MAXAAN KALA FOGNAHAY!!!
Waxa lagu dhisi karo dhaqan fiican oo dhaxal gal
ah:
Waa
wax barasho badali karta nolasha dadka, sida:
1.In
la badalo dhaqaalaha, oo kor loo qaado
nolasha dadkeenna.
2.In
la badalo Fikirka dadka iyo sida loo arko qiimaha nolasha .
3.In
la badalo aragtida foosha xun oo ku saabsan shaqada, taasoo inna baday faqri ku
habsaday dalkeenna iyo dadkeenna.
4.In
la badalo dhaqanka foosha xun ee keenay in la is yaraysto oo la is xaqiro oo
qaarkeen liido qaarka kale.
5.In
la badalo qayb ka mid ah dhaqanka u dhaxeeya raga iyo dumarka, qoyska, gabdhaha
iyo wiilasha,
6. In
la badalo aragtida aan ka qabno dowlada iyo maamulkeeda
iyo
wax kasta oo ku saabsan maamul, iyo danta guud oo innaga dhaxaysa.
Si
aan uga gudubno nolashan adayga badan ee maanta inna haysata waa inaan badallo
dhaqamadaa aan in ka mid ah soo sheegnay, maxaayeelay dhib kasta oo guud oo haysata
bulsho waa dhaqan samaysmay oo qoddo dheer.
Dilka,
dhaca, kufsiga, rishwada, wasaqda, nadaafad xumada, xanta,beenta, shaqo
diidnimada, in la isliido, hantida guud oo la boobo, la xalaashado, caruurtoo
naxariis la aan lagula dhaqmo, ama la kala jeclaysto,ku xad gudubka qawaaniinta
dalka,
Dhammaan
waxaa aan sheegnay waa in ka mid ah xumaanta ayna ogolayn diinteenno, oon si
dhibyar u garab maraynno.
Waa ceeb
aad u wayn oon sina loo garaysan karin sababna lahayn, Waa dhaqan qalloocday oo
u baahan in la toosiyo.
Waa
inaan si aan kala har lahayn uga shaqaynno isbadal ku yimaada dalkeenna oo ka
dhasha maskaxdeenna oo la badalo, si dhaqanku u badalmo, dulligana looga baxo.
No comments:
Post a Comment