Thursday, 7 February 2013

Dhaqan Xumo Ayaa dhimasho Keenta




Dhaqanku wuxuu u taaganyahay qaab nolaleed muddo dheer soo dhismaayay, kaasoo jiilba jiil ka dhaxlaayay, ilaa uu ka noqday wax aan lagaba hadli karin, ruuxii khilaafana loo arko inuu waalan yahay ama uu khaldan yahay, maxaayeelay waqti aad u dheer ayay dhaqamadu samaysmaan oy si adag u dhex dagay labada caqlli ee maskaxdeennu ku shaqayso.

ILAAHAY WUXUU KU YIRI QURAANKIISA SHARAFTALEH:

{وَكَذَلِكَ مَا أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ فِي قَرْيَةٍ مِنْ نَذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا وَجَدْنَا آبَاءَنَا عَلَى أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَى آثَارِهِمْ مُقْتَدُونَ (23) قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكُمْ بِأَهْدَى مِمَّا وَجَدْتُمْ عَلَيْهِ آبَاءَكُمْ قَالُوا إِنَّا بِمَا أُرْسِلْتُمْ بِهِ كَافِرُونَ} (24)

Markay maqleen mushrikiintu islaamka waxay la soo boodeen jidka aan haynno ayaa toosan, oo waa kaan ka dhaxalnay  aabayaasheen, waxkastoo la sheegana ma rumaynayno balse waan beeninaynnaa.

Dhaqanka ayaa beera horumarka ama dib u dhaca umadaha adduunka, 12 saacadood in loo fadhiyo shax ciyaarteed, ama sheeko aan waxba ka soo baxaynin waa dhaqan abuurmay oo u baahan in lagu badalo dhaqan kale oo ku salaysan shaqo iyo howl aan marna istaagin, taaso loo arko in ay leedahay sharaf, qiimo wayn, iyo nolal lagu raaxaysto. Waxaan aad u xusuustaa 1996 markii daadadku dhibaatada u gaysteen dalka soomaaliyeed qaybta koonfureed oo idil ayaa waxaa dillaacay wabiga shabeelle uu ka garab samaysmay wabi kale oo maansheeyay boqollaal kiiloo mitir, dhulkaas waxaa buuxiyay malalay aan xadba lahayn, oo barriga u soo baxay kana soo fogaaday biyihii uu ku noolaa, in bil ka badan ayaa waxaa cunaayay haad ama shinbiro ka yimid dhulal kale, waxaan marnaba aadan indhaha saaraynin wax dad ah oo isku dayaaya in ay ka faa'iidaystaan nicmadan u timid iyagoon dadaal ku bixinin, waa gaajaysan yihiin oo waxay baahi wayn u qabaan cunto ay ku noolaadan, intay kalluun cuni lahaayeen waxay u dhimanayaan gaajo, oo waxaaba ceeb ah in la cuno waxaasoo kale, waa dhaqan abuuran oo xididaystay aad u gaamuray, wuxuu u baahanyahay dadaal joogta ah oo ka soo billowda caruuraha iyo wax barashada hoose.

Meesha aan saa ka nahay dadka reer jabaan waxaa labara oo malyuunno lagu bixiyaa sidii loo bari lahaa (NASASHADA) oo aynan aqoonin, MAXAAN KALA FOGNAHAY!!!

Waxa  lagu dhisi karo dhaqan fiican oo dhaxal gal ah:
Waa wax barasho badali karta nolasha dadka, sida:
1.In la badalo dhaqaalaha,  oo kor loo qaado nolasha dadkeenna.
2.In la badalo Fikirka dadka iyo sida loo arko qiimaha nolasha .
3.In la badalo aragtida foosha xun oo ku saabsan shaqada, taasoo inna baday faqri ku habsaday dalkeenna iyo dadkeenna.
4.In la badalo dhaqanka foosha xun ee keenay in la is yaraysto oo la is xaqiro oo qaarkeen liido qaarka kale.
5.In la badalo qayb ka mid ah dhaqanka u dhaxeeya raga iyo dumarka, qoyska, gabdhaha iyo wiilasha,
6. In la badalo aragtida aan ka qabno dowlada iyo maamulkeeda
iyo wax kasta oo ku saabsan maamul, iyo danta guud oo innaga dhaxaysa.

Si aan uga gudubno nolashan adayga badan ee maanta inna haysata waa inaan badallo dhaqamadaa aan in ka mid ah soo sheegnay, maxaayeelay dhib kasta oo guud oo haysata bulsho waa dhaqan samaysmay oo qoddo dheer.

Dilka, dhaca, kufsiga, rishwada, wasaqda, nadaafad xumada, xanta,beenta, shaqo diidnimada, in la isliido, hantida guud oo la boobo, la xalaashado, caruurtoo naxariis la aan lagula dhaqmo, ama la kala jeclaysto,ku xad gudubka qawaaniinta dalka,
Dhammaan waxaa aan sheegnay waa in ka mid ah xumaanta ayna ogolayn diinteenno, oon si dhibyar u garab maraynno.
Waa ceeb aad u wayn oon sina loo garaysan karin sababna lahayn, Waa dhaqan qalloocday oo u baahan in la toosiyo.
Waa inaan si aan kala har lahayn uga shaqaynno isbadal ku yimaada dalkeenna oo ka dhasha maskaxdeenna oo la badalo, si dhaqanku u badalmo, dulligana looga baxo.


No comments:

Post a Comment