Nin dafiray dadkuu dhalay!!! Waxaan la qaaday boorso aad u culus, waxay saartay korkeeda, intaan Ka qaaday Ayaan ku iri xoogaaga innoo kaydi ADEER, way qosashay walaalna waa noqon karna yay raacisay. Waxaan ku iri: kuwa diidan waalidnimada ma ihi, oo inkira caruurtooda, oo iyagooy Ka muuqato tabar xumada da'du keento timaha madoobeeya, ilmo awoow uu unoqon karana Abbaayo macaan u adeegsan markuu la hadlaayo ama abboowe. Si daggan ayay ula socotay hadalkayga, markaas ayay hadashay, oo waxay tiri waan kaa aqbalay inaad waalid ii tahay, ma ogtahay maalin aan deerayn ayaan oday soomaaliyeed aan ADEER ku iri. Cay ayuu igala daalay isagoo aad u xanaaqsan, waxaan ku iri raalli ahow walaal hadalkaa iga xumaadee, waan dajiyay, marka ha ila yaabin haddaan cabsado!!! Dhaqanka Iyo diintu isku meel ayay Ka joogaan mowduucan, waalidnimo waa maqaam sare oo Ilaahay siiyo dadkuu rabo, waa sharaf in aad gaarto cumri lagugu qadariyo oo laguu arko in aad mudantahay sidaas, waxaa laga rabaa waalid in uu ilaaliyo qiimihiisa. Ruuxii diida hadiyadaa Ka timid xagga Eebeheen wuu khasaaray, mana mudna wax sharaf waalidnimo ah, wuxuu Ka dhiganyahay ruux kule Eebihiis maxaad cumrigan ii siisay iyo caruurtan!!! Madaad mar Hore ii dili wayday? Ama maxaa la iiga daba dhashay si ayna duqnimadaydu u muuqan Waa wax la yaab iyo amakaag leh!!! Nin dafiray dadkuu dhalay La dagaali ubadkiis Markay sharaf la doonaan Ixtiraam la daydayi Oo diidi dowrkii Duqu uu lahaanjiray Yaa daawadii garan Oo loo duceeyaa Yaa doorin kara sida Duniduba u nooshahay Da'yaraan u soo celin Ama duulka soo kori Cumrigooda doorshoo Duqay nooga dhigi kara Dadku wada masoobaan Cuqdaduba ha daysee
Ciidi farax ma leedahay
Markii caalamkeenniyo
Carligeenna oo idil
Caruurtiyo in tabaddaran
Ciyaar lagu dilaayoo
Cadawgoodi oo koray
Dhiigood cabaayoo
Hilibkana cunayaan
Hadday qaar Ka cayntaan
Dabargooynta ciilka leh
Cidloo oon ku dilayaa
Hadday qaar Ka cayntaan
Qaxarkiyo dhibaatada
Ciidankii dalkoodoo
Cadawgoodu tababaray
Cirka kaalmo laga siin
Yaa cudud u sheegtoo
Cidna nolal u dhaafay
Ciidee war ii sheeg
Adaa calanka sida'oo
Cumrigaagu dheeryahay
Dal walbana ka caanbaxay
Cidna idan aan weydiin
Waa la ciiday maantiyo
Ciyaar iyo rabbaas raba
Dadka yaa wax wada bara
Iyagaa dadaal bixin
Dariskooda nabadayn
Dadka yaa wax wada bara
Iyagaa darxumo iyo
Dulli aan aqbali karin
Dadka yaa wax wada bara
Iyagaa dadaal bixin
Oo dowlad soo celin
Dadka yaa wax wada bara
Dulmigaa caruurtiyo
Dumarkeennu la ilmay
Cidina aan danaynayn
Cilmigaa daryeel u ah
Daawadiisa noqon kara
Dadka waxaa badali kara
Dalkoo idil midayn kara
Dib u dhiskiisa qaban kara
Difaaciisa hanan kara
Aqoon iyo dadaal wacan
Anshax lagu daruuroo
Lagu daabay diintoo
dadwaynaha dhammaan iyo
Da'yarteenna soo kici
Duruus looga wada dhigo
Distoorkuna sidaa qiri
Hanti guud la daayicin
Musuq maasuq lagu dayin
Kii laga dareemana
Dadku ay casilayaan
Dibna uusan xugun qaban
Adduunyada markaan dayay Darfaheeda aan maray Dulmi baa hareeyoo Darxomiyo dhib keenoo Cidna nabad ku daa'imin
Daalimiinta xooga leh Nolasheenna daayacay Nabad kuma digleeyaan Dabkay hurinayaan bay U galaan dareen li'i Marna kama danbeeyaan Daadkii ay halaageen Daba dhif ha noqon oo ha is dullaynin waliga Xornimiyo dareenkeed Ha ku doorsan meel maran Doon aadan garanayn Dariiqay ku sii marin Dalka ay ku gayn kari Duruuftiisu say tahay Ha ku daalin hawsheed Dusheedana ka waantow