Tuesday, 16 September 2014

Dadka yaa wax wada bara


Dadka yaa wax wada bara
Yaa doorsha dhaqan xumo
Dareenkooda baabi'in

Dadka yaa wax wada bara
Iyagaa dadaal bixin
Dariskooda nabadayn

Dadka yaa wax wada  bara
Iyagaa darxumo iyo
Dulli aan aqbali karin

Dadka yaa wax wada bara
Iyagaa dadaal bixin
Oo dowlad soo celin

Dadka yaa wax wada bara
Dulmigaa caruurtiyo
Dumarkeennu la ilmay
Cidina aan danaynayn
Cilmigaa daryeel u ah
Daawadiisa noqon kara

Dadka waxaa badali kara
Dalkoo idil midayn kara
Dib u dhiskiisa qaban kara
Difaaciisa hanan kara
Aqoon iyo dadaal wacan
Anshax lagu daruuroo
Lagu daabay diintoo
dadwaynaha dhammaan iyo
Da'yarteenna soo kici
Duruus looga wada dhigo

Distoorkuna sidaa qiri
Hanti guud la daayicin
Musuq maasuq lagu dayin
Kii laga dareemana
Dadku ay casilayaan
Dibna uusan xugun qaban

No comments:

Post a Comment