Wednesday, 10 September 2014

daalimiin ma waaraan?

Adduunyada markaan dayay
Darfaheeda aan maray
Dulmi baa hareeyoo
Darxomiyo dhib keenoo
Cidna nabad ku daa'imin

Daalimiinta xooga leh
Nolasheenna daayacay
Nabad kuma digleeyaan
Dabkay hurinayaan bay
U galaan dareen li'i
Marna kama danbeeyaan
Daadkii ay halaageen


Daba dhif ha noqon oo
ha is dullaynin waliga
Xornimiyo dareenkeed
Ha ku doorsan meel maran

Doon aadan garanayn
Dariiqay ku sii marin
Dalka ay ku gayn kari
Duruuftiisu say tahay
Ha ku daalin hawsheed
Dusheedana ka waantow

No comments:

Post a Comment