Sunday, 28 September 2014

Hooyadii caaye cid kale ma nabad galin?

Hooyadii caaye cid kale ma nabad galin?!!!

Aabe caruur leh ayuu ahaa, wuxuu Ka hadlaayay meel ay joogaan dad badan oo Ka kooban rag iyo dumar.
Siduu u hadlaayay ayuu hadalkii la taraaraxay oo wuu isu bogay.

Raganimada ayuu sharraxaayay iyo qiimaha raga ILAAHAY siiyay
(Oo wuxuu yiri ragu waxay Ka duwanyihiin makhluuqa kale sida xoolaha iyo Dumarka) wuu siiwaday isagoo leh: (ma wax naasihiisa  caano Ka yimaadiin ayaa caqli leh) qosolna waa ku sii daray.

Waxaan iswaydiiyay wiilasha ninkaasi dhalay siday Hooyadood, walaalahood, iyo dumarka ay la noolyihiin u arkaayaan, gabdhaha ay guursan doonaan siday ula dhaqmidoonaan?

Walle shaqabadan ayaa inna sugi si loo toosiyo raga soomaaliyeed  intooda badan oo looga dhigo binow aadam!!!

No comments:

Post a Comment