Ciidi farax ma leedahay?
Ciidi farax ma leedahay
Markii caalamkeenniyo
Carligeenna oo idil
Caruurtiyo in tabaddaran
Ciyaar lagu dilaayoo
Cadawgoodi oo koray
Dhiigood cabaayoo
Hilibkana cunayaan
Hadday qaar Ka cayntaan
Dabargooynta ciilka leh
Cidloo oon ku dilayaa
Hadday qaar Ka cayntaan
Qaxarkiyo dhibaatada
Ciidankii dalkoodoo
Cadawgoodu tababaray
Cirka kaalmo laga siin
Yaa cudud u sheegtoo
Cidna nolal u dhaafay
Ciidee war ii sheeg
Adaa calanka sida'oo
Cumrigaagu dheeryahay
Dal walbana ka caanbaxay
Cidna idan aan weydiin
Waa la ciiday maantiyo
Ciyaar iyo rabbaas raba
Waqtigaa I ciidsiin
Haddaan celin karaayana
Marna maanan ciideen
Hadday ciidu farax tahay
No comments:
Post a Comment