Nin dafiray dadkuu dhalay!!!
Waxaan la qaaday boorso aad u culus, waxay saartay korkeeda, intaan Ka qaaday Ayaan ku iri xoogaaga innoo kaydi ADEER, way qosashay walaalna waa noqon karna yay raacisay.
Waxaan ku iri: kuwa diidan waalidnimada ma ihi, oo inkira caruurtooda, oo iyagooy Ka muuqato tabar xumada da'du keento timaha madoobeeya, ilmo awoow uu unoqon karana Abbaayo macaan u adeegsan markuu la hadlaayo ama abboowe.
Si daggan ayay ula socotay hadalkayga, markaas ayay hadashay, oo waxay tiri waan kaa aqbalay inaad waalid ii tahay, ma ogtahay maalin aan deerayn ayaan oday soomaaliyeed aan ADEER ku iri.
Cay ayuu igala daalay isagoo aad u xanaaqsan, waxaan ku iri raalli ahow walaal hadalkaa iga xumaadee, waan dajiyay, marka ha ila yaabin haddaan cabsado!!!
Dhaqanka Iyo diintu isku meel ayay Ka joogaan mowduucan, waalidnimo waa maqaam sare oo Ilaahay siiyo dadkuu rabo, waa sharaf in aad gaarto cumri lagugu qadariyo oo laguu arko in aad mudantahay sidaas, waxaa laga rabaa waalid in uu ilaaliyo qiimihiisa.
Ruuxii diida hadiyadaa Ka timid xagga Eebeheen wuu khasaaray, mana mudna wax sharaf waalidnimo ah, wuxuu Ka dhiganyahay ruux kule Eebihiis maxaad cumrigan ii siisay iyo caruurtan!!!
Madaad mar Hore ii dili wayday? Ama maxaa la iiga daba dhashay si ayna duqnimadaydu u muuqan
Waa wax la yaab iyo amakaag leh!!!
Nin dafiray dadkuu dhalay
La dagaali ubadkiis
Markay sharaf la doonaan
Ixtiraam la daydayi
Oo diidi dowrkii
Duqu uu lahaanjiray
Yaa daawadii garan
Oo loo duceeyaa
Yaa doorin kara sida
Duniduba u nooshahay
Da'yaraan u soo celin
Ama duulka soo kori
Cumrigooda doorshoo
Duqay nooga dhigi kara
Dadku wada masoobaan
Cuqdaduba ha daysee
No comments:
Post a Comment