Wednesday, 27 March 2013

Isbadalka dhibta badani waa kee , shacabka mise madaxda

Ubaxa  tobanaanka midab leh oon indhaha laga laabikarin, iyo laamaha caleenta badan oo markaad agmarayso udgoonkoodu ku soojiito waxaa asal u ah wanaagaas  jirrida geedka, isaga ayaa siiya nafaqada.
Geedkii jirrani ubax iyo laamo caafimaad qaba kama baxaan.

Shacbigu waa geedka salkiisii iyo xididadiisii, madaxduna waa wixii ka baxay geedka.
Shacbigii toosan ayaa madax toosani ka timaadaa.
Hooyo iyo aabo dadal la soo galiyay ayay madax lagu nasto ka timaadaa.

Hadaba waxa isbadalka u baahani waa shacabka, waa boogta u baahan in la daaweeyo,
Shacb dhisan oo hagaagsan ma yeelaayo madax qallocan oo dhisnayn.
Maxaa yeelay wuu iska qaban aarbuu keensan midkuu isagu rabo

Waxaan dhaqn ka dhigannay in aan eedaynno mar walba kii madax innoo noqda,  innagoo ceebta dalka taalla oo idil dushiisa ku  tubaynna wax kasta oo xumaan ahna ugu sii daraynnaa.
waxaan raadinaynaa beer aan la beerin oon abuurba lagu ridin inaan cunno midhaheedii !!!

Haani salkay ka tolantaa
Geed walima dhaacaankiisuu dhala

Unuga madaxnimadu waa ilmaha oo lagu talaalo bilowgaba, lagu beero dhaqanka fiican, loo kala sooco xumaanta iyo samaanta.
Albaabka uu ka soo gali madaxnimada waa hooyo iyo aabo.
ILMO yar oo hooyadi lagu hordilay ama lagu hor caayay maxaad ka filaysaan?

في هذا المعنى قال الشيخ محمد الغزالي رحمه الله تعالى رحمة واسعة تعليقا على أهمية التغيير في الشعوب والانشغال بهذه المهمة الصعبة بدل الانشغال بتغيير الحكام

(ما زلت اؤكد ان العمل الصعب هو تغيير الشعوب، أما تغيير الحكام فإنه يقع تلقائياعندما تريد الشعوب ذلك)


No comments:

Post a Comment