
Kuwani waa dadkeennii
Danbiyadan ayaa galay
Dulli yaa cabsiiyoo
Dadka nolasha ku cadibay?
Yaa diirtay hilibkii
ILAAHAY u dooroo
lafahooda dadijiray
Dubka quruxda u ahaa
Yaa dilay caruurahan
Darxumo hooyo yaa baday
Dugsi reerka u ahayd
Dalka sharafta u ahayd
Dadku ay jeclaayeen
waxaa yaabka yaabkiisa ah iyadoo laga soo baxay abaar dhib wayn keentay, oo la filaayay in wax iska badalo nolasheenna in si lama filaan ah ku timid gaajo iyo baahi ku habsatay koonforta somaalia, haba u waynaato moqdisho, taaso
Dib u soo celisay macaluushii.
Waxaa loo baahanyahay talaabooyin dagdag ah oo lagaga hortago mashaqadan dhacday.
Howshaana waxaa laga rabaa:
Dowladu in ay qaadato dowrkeeda ooy la timaado farsamo iyo xal lagu yareeyo dhibaatadan .
Baayac mushtariga oo la rumaysanyahay in ka danbeeyaan waxa dhacay waxaa laga rabaa in aysan raadinin faa'iido kali ah ee ay u daneeyaan dadkooda baahidu dhammaynayso.
Bulshada waxaa laga raba in laga doodo si loo helo xal maxaa yeelay hadday arintani siisocoto cidna nabad ma helayso ganacsina majiraayo.
Waxa dhacay waa danbi keenaaya lacnad iyo ciqaab aan laga nabad galaynin. waajib ayaana inaga wada saaran in aan raadinno si looga baxo meermeertadan .
saaxiibayaalow
sidee looga bixi karii
Sidaan maanta wada nahay
No comments:
Post a Comment