Inta dunida joogtee
Dhammaantood is diidani
In badani is dilayaan
Diimana ku kala jira
Daafaha adduunyada
Inba meel ka da'gantahay
Dareen Kali ah yaa jira
Dadkaa idil mideeyoon
Cidina diiday odhan karin
Ama dood ka gali karin
Dareenkaa mideeyaa
Da'yar iyo duqay maleh
Diin iyo wax kale maleh
Duul maal qabeen iyo
Miskiin gaajo Dili maleh
Milyaarada dad waynaha
Waxaa sima dareen culus
Dadku wada aqbalayaan
Oy dooni waligood
Iyagoon ka daalayn
Xiisahoodu dihinyahay
Intay dunida joogaan
Haddii aad dadaashoo
Dib u eegto nolashana
Diiraddaadu waxay qaban
Dareenkii midnimadee
Dadku wada jeclaayeen
Qaarkeen inuu dumin
Iyagoon damiir qabin
Dabbaalnimana ay hagi
Oo loogu dowgali
Inuu dumo dareenkii
Dadka idil midayn jiray
Waan soo dabcinayaa
Waxba yaana kugu dilin
Kugu daalin hadal iyo
Dood aan dhammaanayn
Dalab iyo qalloc galay
Dariiqii caqliga marin
Haddii uu dareen jiro
Inta dunida joogtiyoo
Dadka wada masayn kara
Oon la isku diidayn
waa daawo yaab loo
Lagu diirsan karayoo
Damaashaad xarago mudan
Loo wada dabaal dago
Dadkuna ay midoobaan
Wixii dumin dantoodana
Ay diiday dhihi kari
Hadday doodu taa tahay
Dareen midana jiri karo
Guri raaxo lagu dagi
Hadana duul inkaar qaba
Dhib yaraan ku dumiyaan
Daayici wixii guud
Dantoodana ku waayaan
Wax is daba maraayee
Is wada diidan waa maxay?
Kuu daayay hadalkee
I deeqsii warkaagoo
Ila doon siriisoo
Daboolkana ka qaadoo
Daahiisa kor u fayd
Waxaa dadan aan baarno
Xalkiisana aan doonnee
No comments:
Post a Comment