Wednesday, 27 March 2013

Isbadalka dhibta badani waa kee , shacabka mise madaxda

Ubaxa  tobanaanka midab leh oon indhaha laga laabikarin, iyo laamaha caleenta badan oo markaad agmarayso udgoonkoodu ku soojiito waxaa asal u ah wanaagaas  jirrida geedka, isaga ayaa siiya nafaqada.
Geedkii jirrani ubax iyo laamo caafimaad qaba kama baxaan.

Shacbigu waa geedka salkiisii iyo xididadiisii, madaxduna waa wixii ka baxay geedka.
Shacbigii toosan ayaa madax toosani ka timaadaa.
Hooyo iyo aabo dadal la soo galiyay ayay madax lagu nasto ka timaadaa.

Hadaba waxa isbadalka u baahani waa shacabka, waa boogta u baahan in la daaweeyo,
Shacb dhisan oo hagaagsan ma yeelaayo madax qallocan oo dhisnayn.
Maxaa yeelay wuu iska qaban aarbuu keensan midkuu isagu rabo

Waxaan dhaqn ka dhigannay in aan eedaynno mar walba kii madax innoo noqda,  innagoo ceebta dalka taalla oo idil dushiisa ku  tubaynna wax kasta oo xumaan ahna ugu sii daraynnaa.
waxaan raadinaynaa beer aan la beerin oon abuurba lagu ridin inaan cunno midhaheedii !!!

Haani salkay ka tolantaa
Geed walima dhaacaankiisuu dhala

Unuga madaxnimadu waa ilmaha oo lagu talaalo bilowgaba, lagu beero dhaqanka fiican, loo kala sooco xumaanta iyo samaanta.
Albaabka uu ka soo gali madaxnimada waa hooyo iyo aabo.
ILMO yar oo hooyadi lagu hordilay ama lagu hor caayay maxaad ka filaysaan?

في هذا المعنى قال الشيخ محمد الغزالي رحمه الله تعالى رحمة واسعة تعليقا على أهمية التغيير في الشعوب والانشغال بهذه المهمة الصعبة بدل الانشغال بتغيير الحكام

(ما زلت اؤكد ان العمل الصعب هو تغيير الشعوب، أما تغيير الحكام فإنه يقع تلقائياعندما تريد الشعوب ذلك)


Sunday, 24 March 2013

Danbiyadan ayaa galay?!!!



Kuwani waa dadkeennii
Danbiyadan ayaa galay
Dulli yaa cabsiiyoo 
Dadka nolasha ku cadibay?


Yaa diirtay hilibkii
ILAAHAY u dooroo
lafahooda dadijiray
Dubka quruxda u ahaa


Yaa dilay caruurahan
Darxumo hooyo yaa baday
Dugsi reerka u ahayd
Dalka sharafta u ahayd
Dadku ay jeclaayeen


waxaa yaabka yaabkiisa ah iyadoo laga soo baxay abaar dhib wayn keentay, oo la filaayay in wax iska badalo nolasheenna in si lama filaan ah ku timid  gaajo iyo baahi  ku habsatay koonforta somaalia, haba u waynaato moqdisho, taaso 
Dib u soo celisay  macaluushii.

Waxaa loo baahanyahay talaabooyin dagdag ah oo lagaga hortago mashaqadan dhacday.
Howshaana waxaa laga rabaa:
 Dowladu  in ay qaadato dowrkeeda ooy la timaado farsamo iyo xal lagu yareeyo dhibaatadan .

Baayac mushtariga oo la rumaysanyahay in ka danbeeyaan waxa dhacay waxaa laga rabaa in aysan raadinin faa'iido kali ah ee ay u daneeyaan dadkooda baahidu dhammaynayso.

Bulshada waxaa laga raba in laga doodo si loo helo xal maxaa yeelay hadday arintani siisocoto cidna nabad ma helayso  ganacsina majiraayo.

Waxa dhacay waa danbi keenaaya lacnad iyo ciqaab aan laga nabad galaynin. waajib ayaana inaga wada saaran in aan raadinno si looga baxo meermeertadan .

saaxiibayaalow
 sidee looga bixi karii
Sidaan maanta wada nahay





 

Saturday, 16 March 2013

في التاريخ عبر

هناك صفحات معتمة ومضيئة في تاريخ الأمم والشعوب، ونحن جزء من هذا النسق التاريخي، فنجد فصولا من حياتنا كانت مفخرة لأجدادنا تملؤها العزة والفخار، وحققنا انتصارات باهرة في جوانب من حياتنا، سجلها التاريخ يومها بأننا كنا في ركاب العالم المتقدم بمقياس ذلك الزمن.
 كان الصوماليون في نظر جيرانهم مجتمعا متكاتفا ومنتجا الى مستوى الإكتفاء الذاتي، بل لديه فائض من انتاجه استطاع أن يقدم الى المحتاجين حوله، كانت المساعدات تصل إلى الشعوب العربية والافريقية استشعارا بالصلة التي الصوماليين وبينهم والقيام بواجب الأخوة الاسلامية والانسانية .
 فليس غريبا أن ترى اليوم بعض المسننين الخليجيين الذين يستحضرون من أغوار ذاكرتهم كيف كان مستوى الصوماليين  من حيث الحضارة والتقدم الاقتصادي والشهامة الراقية والشجاعة الفائقة، والنظافة وكيف كانوا اسخياء يجودون ما يملكون بدون تردد، ويقدمون المساعدات المالية بسخاء وكرم غير مسبوق.
لقد التقيت بأحد هولاء الرجال قبل 15 عاما في مكتبه في إحدى الدول العربية وتحدث عن العلاقة الوثيقة بينهم وبين الصوماليين،و عندما انهى جانبا من قصصه الرائعة نظر إلي متعجبا من وضع الصومال والتهور الذي حل عليهم والفقر والماساة المخزية قائلا: في جولاتي المتعددة في الصومال وزياراتي إلى المدن السواحلية أدركت قيمة مجتمعكم حتى تمنيت يومها أن  أكون صوماليا بما شاهدتهم من صفات حميدة وقيم  ،   جد راقية  وحياة أمنة لا تشوبها اية منغصات، وهم فعلا كانوا في سعادة ورغد العيش فشتان ما بين 
الوضعين ! ما الذي غير حياتكم ؟ والله إنها لأعجوبة وكادت عيونه تنفجر من أجل هذه المقارنة الأليمة

وبما أن وضعنا يمر بهذه المرحلة من التهور حتى أصبحنا أحدوثة العالم ويضرب بنا المثل  حتى كلمة الصومالة أصبحت من المصطلحات السياسية والاجتماعية والثقافية إنها رمز التفكك والتمزق والفشل بمعناه 
الشامل ، إنها الدنيا لا تدوم على حال بل هي في تحول دائم من حال إلى حال،يقول الشاعر في رثاء الندلس 

لكل شيء إذا ما تم نقصان ...... فلا يغر بطيب العــيــش إنسا
هي الدنيا كما شاهدتها دول........ من سره زمن ساءته أزمان
 وهذه الدار لا تُبقي على أحد ...... ولا يدوم على حال لها شا
يُمزق الدهرُ حتماً كلّ سابغة ...... إذا نبت مشرفيات وخرصانُ

في هذه الأوضاع التي نحن فيهافيجب علينا  أن نقرء المأساة الصومالية بعناية بالغة حتى نستفيد من دروسها وحتى نعقد العنم على الا نكرر هذه السفاهات مرة أخرى، كما يجب أن نذكر لأطفالنا جانبا من حياتنا في تلك الحقب الماضية  وتفسير الأحداث الجارية لعلهم  يفكرون في أن يعيدوا سيرة أجدادهم وتلك الأمجاد الغابرة، متجاوزين الفشل الذي يقوده الأباء والانهزامية القاتلة التي يعيش مجتمعنا اليوم بسسب حماقات القيادات الفاشلة التي تتعاقب على تسيير الأمور منذ زمن بعيد.
 فالتاريح في جوانبها المضيئة تجدد حياة الشعوب وحضارتها المجيدة ، وعلى هذا الأساس تظل الأمم تدرس تاريخها للأجيال المتعاقبة كي تستفيد من عبرها، فالجوانب المضيئة تحفز الهمم وترفع سقف الطموحات وتلهب المشاعر وتوقد الحماس  لدى الأجيال وخاصة الناشئة

أما الجوانب المعتمة وهزائمها المذلة فهي تستحق أن تدرس والا تنسى ابدا،لأنها تكون دروسا للخطط الاستراتيجية المستقبلية، حيث يستذكر المفكرون والأساتذة  وواضعوا السياسات الامنية والاقتصادية والثقافية أسباب تلكم السياسات والتصرفات التي أدت إلى الهزائم والانكسارات  المرحلية، الأمر الذي يجعل القائمين على قيادة الأمة يبتعدون عن الأخطاء الماضية ويختارون سبلا أخرى لنهضة الأمة وبنائها، والدفاع عن مكتسباتها ومقدساتها.
{لَقَدْ كَانَ فِي قَصَصِهِمْ عِبْرَةٌ لِأُولِي الْأَلْبَابِ }َ
التفكير الجاد والعقول الواعية والاستفادة من التجارب والخبرات ايا كان مصدرهاهي مركز الالهام والتنوير وبداية الضوء الذي يبدد الظلمات، وينقل الأمة من الهزيمة  الى النصر ومن اليأس إلى الأمل ومن الضعف إلى القوة ومن هنا تشرق الشمس ويختفي الظلام 
     

     فالحياة هي الأمل فلنزرع الأمل في نفوسنا ونفوس أطفالنا فلنعودهم على الشموخ والهمم
الرفيعة ليتربوا على قيم الأمل ومقاومة اليأس ورفض المذلة مهما تكن الظروف

Saturday, 9 March 2013

Dareenkee Mideeya Dadka Dunida Jooga



Inta dunida joogtee
Dhammaantood is diidani
In badani is dilayaan
Diimana ku kala jira
Daafaha adduunyada
Inba meel ka da'gantahay
Dareen Kali ah yaa jira
Dadkaa idil mideeyoon
Cidina diiday odhan karin
Ama dood ka gali karin

Dareenkaa mideeyaa
Da'yar iyo duqay maleh
Diin iyo wax kale maleh
Duul maal qabeen iyo
Miskiin gaajo Dili maleh
Milyaarada dad waynaha
Waxaa sima dareen culus
Dadku wada aqbalayaan
Oy dooni waligood
Iyagoon ka daalayn
Xiisahoodu dihinyahay
Intay dunida joogaan

Haddii aad dadaashoo 
Dib u eegto nolashana
Diiraddaadu waxay qaban
Dareenkii midnimadee 
Dadku wada jeclaayeen
Qaarkeen inuu dumin
Iyagoon damiir qabin
Dabbaalnimana ay hagi
Oo  loogu  dowgali
Inuu dumo dareenkii
Dadka idil midayn jiray

Waan soo dabcinayaa
Waxba yaana kugu dilin
Kugu daalin hadal iyo
Dood aan dhammaanayn
Dalab iyo qalloc galay
Dariiqii caqliga marin

Haddii uu dareen jiro
Inta dunida joogtiyoo
Dadka wada masayn kara
Oon la isku diidayn
waa daawo yaab loo
Lagu diirsan karayoo
Damaashaad xarago mudan
Loo wada dabaal dago
Dadkuna ay midoobaan
Wixii dumin dantoodana 
Ay diiday dhihi kari

Hadday doodu taa tahay
Dareen midana jiri karo
Guri raaxo lagu dagi
Hadana duul inkaar qaba
Dhib yaraan ku dumiyaan
Daayici wixii guud
Dantoodana ku waayaan
Wax is daba maraayee
Is wada diidan waa maxay?

Kuu daayay hadalkee
I deeqsii warkaagoo
Ila doon siriisoo
Daboolkana ka qaadoo
Daahiisa kor u fayd
Waxaa dadan aan baarno
Xalkiisana aan doonnee



Tuesday, 5 March 2013

Munaasaban waxaa lagu xusaayo Porf Najmudiin arbakan

Prof Najmudiin Arbakaan waa mufakir ku caanbaxay halgan Kenton sano socday.
1.hogaaminta mashruuca islaamiga oo Ladakh dagaalamay
2. Heshiisiinta dacwada iyo dowlada
3. Aragti fog oo dhaqaale iyo midnimada ummadda muslimka
4. Dariiqa  nabada Ayuu doortay in lagu xaqiijiyo mashruuca islaamiga ah
5. Amniga dalka iyo dhaqaalaha dadka Abuu xoog saray 
6, Danta guud Abuu ka hormarijiray Danta xisbiga AMA ururka
Waa mujadid cusboonaysiyay dacwada iyo dowlada


Wuxuu mudan yahay in wax laga barto duruus badan

Sunday, 3 March 2013

حكمة بليغة تضع أمامنا حقيقة تمثل القوة كل القوة



من اعتز بعقله ضل،  ومن اعتز بماله قل، 
 ومن اعتز بجاهه ذل،  ومن اعتز بسلطانه خاب

ومن اعتز بالله فلا ضل،  ولا قل، ولا ذل، ولا خاب

يقول الله تعالى (اليس الله بكاف عبده)(  ومن يتوكل على الله فهو حسبه) انه مصدر القوة والعظمة والجمال

Friday, 1 March 2013

اين يكمن الامن في حياتنا

اين يكمن الامن في حياتنا
الامن ضرورة لحياتنا وهو المطلب الاول للبشرية جمعاء' فالدول ترصد لحماية شعوبها واراضيها أضخم الميزانيات من الدخل القومي لانها تحتل في المقام الاول' فالحياة البشرية تعتمد في تطوراتها وتنميتها على السلام والامن والاستقرار'
فا لبوابة الطبيعية للامن كل الامن  هي العدل والبعد عن الظلم أيا كان مصدره او دوافعه' فالظالم هو اول من يفقد الطمانينة والراحة النفسية لان نفسه توبخه وتذكره دوما' فيظل حبيس ظلمه مقهورا ذليلا خائفا مرعبا كما تشير اليه الآية القراني( يحسبون كل صيحة عليهم ) تلك عقاب الاهلي لا يمكن ان يتحرر طوال حياته

فالاستقامة الحقيقية هي صمام الامان لحياتنا' فالسحت وظلم الاخرين وبخس حقوقهم  هي سبيل التعاسة للفرد والمجتمع
ان الذين يعرقلون مسيرة السعادة للاخرين فليعلموا انهم يزرعون الشقاء لأنفسهم ولذريتهم
فلنكن حذرين من تصرفاتنا  لان مصير الفاسدين والحاقدين سينتهي الى طريق مسدود لا محالة