Monday, 23 March 2015
Thursday, 12 March 2015
Indhoole
Ma ogtahay inay tahay
Aragtidu wax kale oon
Indheheennu qaban karin
Awoodeedu sare tahay
Lagu hago adduunyada
Iftiinkeeda kaan helin
Waa indhoole dam ahoo
Aqoontiis ku meel marin
Ummaddiisa hagi karin
Aragtidu wax kale oon
Indheheennu qaban karin
Awoodeedu sare tahay
Lagu hago adduunyada
Iftiinkeeda kaan helin
Waa indhoole dam ahoo
Aqoontiis ku meel marin
Ummaddiisa hagi karin
Wednesday, 11 March 2015
maalinta Dumarka
Maalinta dumarku
tusaalehee ayay innoo leedahay?
Ummad ku fillaanweyday dumarkiyo caruurtii maxay qiimo leedahay ooy ku faani kartaa?
Musawirkan murugtale waa markii qasab loogu celinaayay dalkoodii soomaalia oo ragiisii la diriraayo dowladnimo iyo nidaam rajo abuura.
LAALUUSH ayay mashquul ku yihiin iyo mooshinkii lagu soo dabilahaa.
Waa garoonka Nairobi meesha laga tarxiilin maamooyinka iyo caruurtooda
Maansadan munaasabadaa ayaa igu dhalisay
Inaad toosantahay ood
Tilmaan fiican noqotoo
Tiir liicin aad tahay
Bulshaduna tix galisaa
Hadal kuma timaadee
Tarbiyada caruurtiyo
Isku toosni qooyskiyo
Dumarkoon tayaynnoo
Dulligaa tisqaadiyo
Tows iyo dhib waayaa
Tusaalayn waxaad tahay
Sunday, 1 March 2015
Qowsaarki oo xadi
Kaaf iyo kala dheeri !!!
Ceella uma qodnna ciidanna uma maqna.
VIP albaabkeeda ayay taagnayd
Wixii laga rabay maysan buuxin
Si xushmo ku jirto ayaa loola hadlay.
intay si la yaab leh u fiirisay oo sidii ruux xaqiisii laga qaatay is ciil kaambiday Ayay tiri:
Anoo xubin baarlamaanka ah ayaa waxaa iga celin meeshan midkan oo kale.
Ayaa u maqan sharciga dalka haddi masuuliintii loo doortay inay hagaan ay ku tumanaayaan?
Masalka carbeed ayaa ahaa
حاميها حراميها
Sunday, 4 January 2015
Cumar xasan Cali. Ilaahay ha u naxariisto
Cumar xasan Cali.
Ilaahay ha u naxariisto,
Ardaygennii sharafta lahaa Cumar Xassan Cali.
Oo gacan Ka xaqdaran ku dhintay
Maalinti Axadda 28 -12-2014.
Dilkani waa dhacdo ku timid u kas Iyo maag,waxaana toogtay nin Ka tirsan Askarta dowladda Soomaliya ,wuxuu sagootinaayay Arday kale ooy Ka wada yimaadeen Jaamicadda Moqdisho kuna naystay gurigooda oo ku yaalla xaafaddaa afarta Jardiino Dagmada yaaqshiid.
Wuxuu diyaarinaayay imtixaankii Simistarka koobaad oo billaabanayay todobaadkaas, wuxuu Ka mid ahaa kumannaan arday oo MU Ka tirsan loona diyaarinaayo dib u dhiska dalkeennaa Iyo hogaanka bulshadeenna.
Wuxuu ahaa Injineer soo koraaya,si fiican u dhismaaya oo Ka tirsanaa kulliyada Injineerka ee Jaamicadda Moqdisho.
Xanuun wayn ayaa Ka dhashay dhimashada Cumar oo taabtay ruux kasta oo Ka tirsan MU maxaayeelay arday walba wuxuu masalaayaa tiir adag oo Ka mid ah dhismaha ummadda oo u baahan aqoonyahan caafimaad qaba kana adag kaalintiisa.
Waxaan u sheegaynaa kuwa hagardaamaynaya dalka in aannaan Ka aqbalayn danta xun ay leeyihiin oo ah in laga daalo dib u yegleelka guri lagu nasto oo mustaqbalka carruurteenna damaanad qaada,waxaan isku samirsiinaynaa dariiqii Cumar in uusan duugmin Soona xirmin , kumanaanka nool Iyo kuwa dhalandoona ayaa dhammaystiri hawsha uu ka tagay Cumar.
Waxaan leenahay waalidkiis Iyo macallimiintiisii Iyo saaxiibadiisii Iyo qaraabadiisii Ilaah Samir haka siiyo.
Waxaa khasaare qaba ka dilay oon hubo in uuna nasanaynin aduun iyo Aakhiraba.
ولتعلمن نبأه بعد حين
Tixdan ayaa igu soo dhacday markaan maqlay geerida Cumar.
Kuwa nolasha dumiyoow
La dagaashan sharaftoow
Dalka ubixis dubanoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan
Kuwa nolasha dumiyoow
Dalag baxa ku diranoow
Danta guud burburiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan
Kuwa nolasha dumiyoow
Da'yarteenna soo kici
Dhiigooda daadshoow
Rajadooda dumiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan
Kuwa nolasha dumiyoow
Duulkii aqoon wada
Dab iftiima noo hurin
Mugdigana u daawa ah
Inuu damiyo nuurkaas
Dadaal wayn ku bixiyoow
Waxaad dooni fulintiis
Amaa diidi maan garan
Midka dilay ardayganoow
Dhiigiisa daadshoow
Adigoo dirays Iyo
Astaan dowladeed qaba
Wax dilkaagan waa faray?
Dacwadayda laliyoo
Dadka u sarreeyiyo
Madaxdaan u dirayaa
Jawaab dihin Ka sugayaa!!!
Tuesday, 4 November 2014
GO'AAN XUN WAA INA AYO?
Haddaad garato waxa aad gashiyoo
Goobta logahaaga
Garaadkaaga dhimirtiisu tahay
Mid aan wax soo gaadhin
Ama gaar wixiisa u watoon
doodba galinaynin
Go'aan qalad ah in aad qaadataa
Waa wax soo gudhay e
Goobta logahaaga
Garaadkaaga dhimirtiisu tahay
Mid aan wax soo gaadhin
Ama gaar wixiisa u watoon
doodba galinaynin
Go'aan qalad ah in aad qaadataa
Waa wax soo gudhay e
Taladaadu yay geeri dhalin
Qaranka soo gaadha
Friday, 24 October 2014
Nin dafiray dadkuu dhalay
Nin dafiray dadkuu dhalay!!!
Waxaan la qaaday boorso aad u culus, waxay saartay korkeeda, intaan Ka qaaday Ayaan ku iri xoogaaga innoo kaydi ADEER, way qosashay walaalna waa noqon karna yay raacisay.
Waxaan ku iri: kuwa diidan waalidnimada ma ihi, oo inkira caruurtooda, oo iyagooy Ka muuqato tabar xumada da'du keento timaha madoobeeya, ilmo awoow uu unoqon karana Abbaayo macaan u adeegsan markuu la hadlaayo ama abboowe.
Si daggan ayay ula socotay hadalkayga, markaas ayay hadashay, oo waxay tiri waan kaa aqbalay inaad waalid ii tahay, ma ogtahay maalin aan deerayn ayaan oday soomaaliyeed aan ADEER ku iri.
Cay ayuu igala daalay isagoo aad u xanaaqsan, waxaan ku iri raalli ahow walaal hadalkaa iga xumaadee, waan dajiyay, marka ha ila yaabin haddaan cabsado!!!
Dhaqanka Iyo diintu isku meel ayay Ka joogaan mowduucan, waalidnimo waa maqaam sare oo Ilaahay siiyo dadkuu rabo, waa sharaf in aad gaarto cumri lagugu qadariyo oo laguu arko in aad mudantahay sidaas, waxaa laga rabaa waalid in uu ilaaliyo qiimihiisa.
Ruuxii diida hadiyadaa Ka timid xagga Eebeheen wuu khasaaray, mana mudna wax sharaf waalidnimo ah, wuxuu Ka dhiganyahay ruux kule Eebihiis maxaad cumrigan ii siisay iyo caruurtan!!!
Madaad mar Hore ii dili wayday? Ama maxaa la iiga daba dhashay si ayna duqnimadaydu u muuqan
Waa wax la yaab iyo amakaag leh!!!
Nin dafiray dadkuu dhalay
La dagaali ubadkiis
Markay sharaf la doonaan
Ixtiraam la daydayi
Oo diidi dowrkii
Duqu uu lahaanjiray
Yaa daawadii garan
Oo loo duceeyaa
Yaa doorin kara sida
Duniduba u nooshahay
Da'yaraan u soo celin
Ama duulka soo kori
Cumrigooda doorshoo
Duqay nooga dhigi kara
Dadku wada masoobaan
Cuqdaduba ha daysee

Subscribe to:
Posts (Atom)