Afaray ma reebana
Haddaan edabta laga tagin,
Oo laga ilaalshaa,
Aflaggaaddo iyo cay,
Uunkana wax loo dhimin,
Islaamkana la daba marin,
Afarrey ma reebbana!
Afarrey ma reebbana!
Waa aalad xoog badan,
U adeegta khayrkiyo,
Anshigiyo wanaagoo,
Aqoontana u kaalmayn,
Afarrey ma reebbana,
Waa agab filweyn oo,
Udgoonow rasuulkii,
Asxaabi faray oo,
Ku afuuf Xasaanow,
Uunkii inkirayoo,
Iimaanka diidoo,
Afxumeeyay Nabigana,
U adeegsa maansada,
In dacwada islaameed,
Ay gaarta uun badan,
Afarrey ma reebbana,
Waa dhaqan asiil oo,
Haddii loo adeegsado,
Illaahey siduu rabo,
Ajir laga helaayoo,
Ummaddana anficiyoo,
Ilmahana wax tariyoo,
Afkaartoo u korartiyo,
Afki hooya ubad bari!
Ilkacase walaalow,
Adaa igu abuurayoo,
Iga keenay alifkane,
Inta diidan oo idil
Afarreydan gaarsii
Adigoon halmaamayn
Islaamkeennu inuu qiray
Oo loo adeegsaday
Hawlaha idaylkood
Ibnu aadam loo diray
Afarrey ma reebbana!
Ummaddeenna gaarsii,
Asal sharaf inay tahay
Afarrey ma reebbana,
Ku aadaan intaad kari,
Mar hadday anshaxa korin
Afarrey ma reebbana!!
Ayay baa ku heestoo,
Ubadkay ku korisaa,
Ilmeheenna oo idil,
Jacayl ugu abuurtaa,
Afarrey ma reebbana,
Haddaan edabta laga tagin,
Oo laga ilaalshaa,
Aflaggaaddo iyo cay,
Uunkana wax loo dhimin,
Islaamkana la daba marin,
Afarrey ma reebbana!
Afarrey ma reebbana!
Waa aalad xoog badan,
U adeegta khayrkiyo,
Anshigiyo wanaagoo,
Aqoontana u kaalmayn,
Afarrey ma reebbana,
Waa agab filweyn oo,
Udgoonow rasuulkii,
Asxaabi faray oo,
Ku afuuf Xasaanow,
Uunkii inkirayoo,
Iimaanka diidoo,
Afxumeeyay Nabigana,
U adeegsa maansada,
In dacwada islaameed,
Ay gaarta uun badan,
Afarrey ma reebbana,
Waa dhaqan asiil oo,
Haddii loo adeegsado,
Illaahey siduu rabo,
Ajir laga helaayoo,
Ummaddana anficiyoo,
Ilmahana wax tariyoo,
Afkaartoo u korartiyo,
Afki hooya ubad bari!
Ilkacase walaalow,
Adaa igu abuurayoo,
Iga keenay alifkane,
Inta diidan oo idil
Afarreydan gaarsii
Adigoon halmaamayn
Islaamkeennu inuu qiray
Oo loo adeegsaday
Hawlaha idaylkood
Ibnu aadam loo diray
Afarrey ma reebbana!
Ummaddeenna gaarsii,
Asal sharaf inay tahay
Afarrey ma reebbana,
Ku aadaan intaad kari,
Mar hadday anshaxa korin
Afarrey ma reebbana!!
Ayay baa ku heestoo,
Ubadkay ku korisaa,
Ilmeheenna oo idil,
Jacayl ugu abuurtaa,
Afarrey ma reebbana,
No comments:
Post a Comment