Inkastood dadaashood
Bakhiilnimada diidood
Sadaqada durduri iyo
Maal doora bixisaa
Ma dawaynin baahida
Duunyadaada oo idil
Dadka kuma fillaatee
Akhlaaqdood daryeeshiyo
Dabcigaaga wacan iyo
Wajigaaga deeqsii
Mid danayn hadaad tahay
Dadku anay qadariyaan
Dabci qaabka dhaqankoo
Dardar gali waxyaalaha
Dareenkooda nabad galin
Qalbigana u daawayn
Ku dadaal wax qabadnimo
Dadka amal u soo celin
Daawayn dhibaatada
Darisnimada dhaawici
Walaalahana kala dili
Dagaallada adduunyada
Carrab dalab le yaa shida
Oo dumiya nabaday
Dadku wada jeclaystaan
Dantooduna ku taagnayd
Ku dadaal bashaash nimo
Iyadaa wax deeqdoo
Dadka raalli kalin kari
Ajirkuna u daa'imi
Danbi dhaafna laga heli
No comments:
Post a Comment