Friday, 23 August 2013

DHALLIN aan himo lahayn

Dhallin aan himo lahayn

    Dhalin aan himaba qabi
    khayr kuma dhaqaaqaan
    Dhanka fiican nolashana
  Dhab ahaanti ma'arkaan
   Mugdigay  dhex jiifaan 
 Dhabna aan u arag nuur 
 yaa dhumin dadnimado
  Caqligooda dhaawici

Dhaqan xumada nolasho
 Ku salaysan dhiilliyo
Fadhi aan dhamaanayn
Dhaqan aan wax tarin iyo
Dhalanteedka lagu ko
 Khayrkeedu dhalanayn
Dhibtu joogto ay tahay
yaa dhumin dadnimado
Caqligooda dhaawici

 Dhalin yaro waxaad tahay
 Dhumucdii dalkeennee
Dhanka fiican wada mara
 Dhaqan toosan wada hela
 Baashaal dhibtiisiyo
Ha ku dhicin god shaydaan
Dhaawaca dalkiiniyo
Dhimashada dadkiinaba
Ha ku dhowranina saaas
Ajashiinna oon dhicin
Waqtiguna dhamaan wali
Dhimashada ha yeelina


2 comments:

  1. Runtii waa gabay aad utaabanaya dhalinta maanta joogta waana tuse fican Dr. Ali waxaa ugu wayntahay dhalinta waadna kamidtahay...Waxaan ad ucodsnayaa Diktoorow in gabayada baraarujinta dhalinta aad noo badiso.
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  2. waad ku mahadsantahay codsigaaga waan dadaali Sxb.
    dhallintu waa xooga ummadda ay dugsanayso inay toosaan waa albaabka koobaad ee nolasha

    ReplyDelete