انا لله وانا اليه راجعون ، ان لله ما اخذ وله ما اعطى وكل شيء عند بمقدار
Geeridu xaq weeyoo
Ma gafayso ruuxnaba
Ma khaldamo gantaalkeed
Goobtan laguma waaree
Shaqo gudo intaad kari
Prof Dr Ali Hassan Mohamed
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Jaamicadda Moqdisho ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Moqdisho.
Waxaan tacsiyo u diraayaa anoo la qaybsan murugta iyo xanuunka: Qooyska sharafta leh uu ka baxay, Ra'iiska Jaamicadda, golayaasheeda Iyo maamulladeeda kala duwan, macallimiinta,ardayda, dhammaan shaqaalaha MU, iyo bahwaynta waxbarasha soomaaliya
iyo saxiibadiis meelkasta ooy ku noolyihiin.
Prof Dr Ali Hassan ILAAHAY ha siiyo naxariistiisa, jannada firdowsana ha galiyo.
Waxaan idin leeyahay aan Samirno una ducaynno
Maaha nin dhintay ee waa waax ka go'day ummadeenna,laakin raadkiisu waa jiraayaa wuuna joogaayaa ILAAHAY ha ka aqbalo whxuu soo qabtay
Waxaan ku xusuusan-karno waxaa ka mid ah:
1-Kontan sano ka badan ayuu dhisaayay waxbarashada dalka qaybaheeda kala duwan.
2- Jaamicadda ummadda dowrkuu ku lahaa aad ayuu u waynaa wuxuuna soo hogaamiya kulliyado kala duwan, kumanaan ardaydiisii ah ayaa maanta hogaan ka ah dalka.
3-Jaamicadda Moqdisho uu u taagnaa asaaskeedii ilaa maanta
Waxaa xusuusandoona in ka badan 20000 labaatan kun oo arday
Iyo boqolaal macallin Iyo dhigood oo shaqaala ah. Iyo boqollaalka madaxda dalka maanta soo gaartay
4- wuxuu ahaa lixdii ruux aay ku bilaabatay Jaamicaddu.
5-Waxaan ka bartay ilaalinta waqtiga shaqada taas uunan waligii ka soo daahin ballan.
Wuxuu ahaa ruux aaminsan in lagu mashquuli wax qabad mira dhal ah
Aan ku dayanno waxna ka baranno.
No comments:
Post a Comment