Isbadal maaha erayada
Afka laga yidhaadee
Ma keennaa awood runa
Ummaddoodhan qabataa
Abaartiyo faqriga tiri
Ubadkeenna farax galin
Qosalkooda aragnaa
Isbaddal-kasta oo hor leh in ka mid ah dadka ku Dhaqan goobtuu ka dhacayo ayaa rumaysan in uu dhib Ku yahay danahooda, oo hadday maqlaan magiciisaba si wayn ula jirrada.
Dadka qaarkiisna waxay markaaba abaabulaan dagaal aan laga fiirsan, si looga hortago isbadalka la soo wado, kaasoo halis galin kara danahooda siday malaynayaan.
Nafta binow aadmigu waxaay weheshataa kuna seexataa dhaqanka soo jireenka ah, kaas ooy sifiican ula qabsatay muddo dheer, taqaannana billowga Iyo dhammaadka, qiyaasi kartana waxa ka soo bixi kara iyo meeshay ku dhammaan.
Wixii ku soo biira geedi socodka nolasha oo u muuqda in uu jeexi Karo jid cusub waa la sharaystaa, wuxuu u dhigmaa aragtida dad meel mugdi ah ku socda, waxay iswaydiinayaan waa:
Maxaa idinkaga soo bixi doona mugdigan? Wuxuu la mid yahay col aadan ogayn hubkiisa, tirada ciidankiisa, meeshuu kaaga imaan, iyo waqtiga uu ku soo weerari.
Middani waa ta keensata Walwalka iyo walbahaarka tirada badan oo ka abuuranta fikradaha aan la arkin hadda Ka hor oon lala soo noolaanin qaababkeeda kala duwan , loona lahayn aqoon ku filan.
Intaasi waa aragtiyaalo aay wadaagaan ilmo Nabi Aadam badankoodu.
Laakin waxaa gaar ahaan uga horuimaadda qaybo iyaga ka mid ah:
1- kooxaha xukunka haysta, gaar ahaanna kuwa aan habsami wax ku maamulin oo dulmigu Dhaqan u noqday, ha la yaabin waxay Ka baqi in la soo qodo oo dib loo soo faago wax badan oo la qariyay oo qalad ahaan loo duugay.
2- maal qabeenada aan si sax ah u gudannin xuquuqda dadka Iyo dalku Ka rabeen, sida Zakada, canshuuraha, iyo waxyaabaha kale ee la xiriira habsamida dhaqaalaha.
3- ruux kasta oo dad aan waxba galabsan soo daadshay dhiigooda , Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa oo ma nasto mana istareexo.
4-Waxaan Ka fogayn taas kuwa soo boobay hanti guud Iyo tu gaar ah mid uun, waardiye weeyoo wuxuu ilaalin dhaqanka boobka illeen la'aantiis ma noolaankaro.
5- Waxaa ka agdhow meeshaas kuwa joogteeyay ooy u tahay dhaqan in aay Ku xad gudbaan sharafta dadka kale, oo si toos ah u maaga dad aan waxba galabsan kuwaas oo adeegsada warbaahinta qaybaheeda kaladuwan
6-Kooxaha ku dulnool dadka kale dhiigana ka nuuga, oo Ka cabsan in aay khasaaraan waayaanna waxay la dheeraayeen inta kale dhammaantood.
7- Kuwa magaca ILAAHAY huwan oo si gaar ah isusiiyay awoodda EEBBEHEEN oo rumeeyay in aay taaganyihiin albaabka jannada iyo naarta. Waxay ka soo dhix baxaan kuwani
Ummaduhu markay Ka leexato diinta ILAAHAY, iyo markay aqoon-xumadu hadhayso shacbiga oo diyaar u yahay in uu rumeeyo waxkasta.
8- Ummadaha aqoon xumidu ragaadisay ooy Ka reebtay qayrkood, oon warba ka haynin baahida loo qabo isbadalka, waxa Kaliya ooy difaacaan waardiyana Ka hayaani waa dhaqankii aay Ka dhaxleen aabayaalkood.
9- waxaan rabin isbadalka ruux ama koox walba oon isku kalsoonayn ama Ka cabsanaysa fashil Iyo guul darro.
10. Isbadalka waxaa ka horjeedo oo safka horay ka jira dagaalka ;dadka aan marna u hogaansanayn diinta dal uu leeyahay, dastoorku wuxuu qeexaayo iyo qawaaniinta kala duwan oo ummada u horseeda kala dambaynta,caddaalada iyo sinnaanta.
11. cadaw dibadeed uu dalku leeyahay kaas oo dadaal wayn ugu jira naafayntiisa isagoon kor u sheegin shaqada foosha xun ee uu fulinaayo habeen Iyo maalin walba, si uuna uga soo kicin nabarada khatarta ah uu gaysanaayo, taasuu Ka rabo:
A- in uu dumiyo dalka, siduu u dhaxlo noqdana qayb ka mid ah dowladdiisa.
B- in uu ka dhigo mid uu maamusho oo fuliyo amaradiisa, oo markaas noqda waxa loo yaqaan " DABADHILIF".
Haddaan fiirinno dalkeenna oon iswaydiinno maxaa ka hortaagan in dib loo dhiso si uu uga soo kabto dhaawicii gaaray 50 kii sano een soo dhaafnay waxaa innoo muuqan in aay asbaabtu tahaye waxaan soo sheegnay ama ina ka mid ah.
Haddaba maxaa daawo u ah oo sideebaa looga bixi karaa meermeertadan aan dhexda ka gallay oo inna liiqatay?
Jawaabta kala soco xalaqada soo socota.
Mahadsanidin