Tuesday, 11 October 2016

WAR MA KALADAN BAAN NAHAY?

War ma kala-dan baan nahay?

Waa lama dagaan iyo
Dayr wehel la'aanoo
Cabsi iyo darxumo badan
Dabayshoodu kula tagi
Dabin cadow u dheeryahay
Nafci kama danbeeyee
Ha isku dayin inaad tahay
Mid danaysta kaligii

Dantadiyo dantaydiyo
Intakale dantoodaa
Isku daaban abidkood
Oo dawlad calankeed
Dammaashaadka loo dhigay
Dalku nabadna soo maray

Hadday kala durkaan saban
Danahaan wadaagnaa
Way wada dumaayaan
Dadaal culus la'aantii
Dibna looma kabi-karo

Waa daliil madoontee
Dib u eeg wixii dhacay
Markii danaha guud iyo
Dadku waxay wadaageen
Dadaal waynna loo galay
Isku duubni lagu helay
Qaar duluc u leexsaday
Meel daran la aadeen

Maxaa Dhiig la daadshoo
Bir-magaydo la dooxoo
Danaystuhu dabkuu shiday
Wali daaro gubayaa
Dadku kala qaxaayaan
Durbaankiyo colaadaha
Danankoodu baxayaa
Oo loo dabaal dagi
Dadwaynahaan su'aaliye
Kuma yay dantii tahay?

Thursday, 29 September 2016

LABA sano ka dib ayaa 80 gabdhood la gudoonsiiyay shahaada macallinimada











DUFCADII 4-AAD EE TABABARKA MACALIMIINTA JAAMACADDA MUQDISHO OO LASOO GABAGABEEYAY
Xaflad qalin jabinta gabdho gaaraya 80 hablood oo dhamaystay tababar macalinnimo ayaa lagu qabtay hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.
Tababarkan oo socday muddo 2 sano ah ayaa macalimiinta latababarayay ay ahaayeen gabdho laga kala keenay afar gobol oo kamid ah gobolada Soomaaliya oo ka mid yihiin gobolka Banaadir, Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, iyo Galgaduud iyadoo macalimiintan ay wax kadhigi doonaan dugsiyada sare ee dalka lana baray maadooyinka cilmiga loona baahnaa.
Maxamed Cabdullaahi Maxamed, xiriiriyaha tababarka macalimiinta ayaa ka sheekeeyay inuu bilawday bishii maarso 2015-ka waxa uuna ka koobnaa barnaamijka tababarka macalimiinta laba arrimood oo muhiim ah.
1.  Heerka Asaasiga heerka dugsiga hoose dhexe iyo
2. dugsiga sare
iyadoo ardada laqaatay ay ahaayeen tiradooda guud 86-tan macalin, 23-tan waxaa loo tababaray maadooyinka fiisikis iyo xisaab, 63-ka kalana loo tababaray maadooyinka kimistiriga iyo bay’oolojiga iyadoo tirade guud ee qalin jabisayna ay noqdeen 80 arday maantana lasiiyay shahaadooyinkii ay ku guulaysteen.
Muna Cabdullaahi Maxamed oo kamid ahayd macalimiintii wax barayay macalimiinta ayaa kula dardaarantay inay dadaalkooda sare u mariyaan waxii ay barteenna ay bulshadu u gudbiyaan.
Xildhibaanad Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa iyada oo kahadlaysay ayaa ardadan usoo jeedisay amaan aad u balaaran iyadoo xusuusisay inay maanta ay lafaraxsantahay 80 hablood inay soo barteen xirfad macalinnimo ayna aad ugu faraxsantahay, “waxaad maanta I xusuusiseen taariikh fog 83-tan ayaan wiil ah ayaa anaga oo 3 gabdhood ah ka ahayn maantana waxaa farxad ii ah in 80 gabdhood uu san maanta wiil la qalin jabinaynin waxaan u mahad celinayaa jaamacadda muqdisho iyo hay’adihii kale ee hawshaan iska xilsaaray” ayay tiri xildhibaanad Nadiifa Maxamed Cusmaan.
Sidoo kale wasiirada haweenka ee dawlada federaalka Soomaaliya marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa ku boorisay hablaha bartay xirfada macalinnimada inay dadaalkooda halkaa kasii wadaan waxayna kula dardaarantay halkudhigii qiimaha lahaa  “aqoon la’aani waa iftiin la’aan”.
Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. Liibaan), guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho ayaa macalimiintan ugu bishaareeyay guusha ay gaareen wuxuuna u rajeeyay horumar balaaran isagoo xusay in jaamacadda muqdisho ay markasta heegan u tahay sidii bulshada Soomaaliyeed ugaarsiin lahayd aqoon tayo leh kuna dhisan akhlaaq iyo wadan jacayl.
Ugu dambayn Cabdullaahi Bille Nuur, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada dawlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay “waxaan marar badan ka qayb gali jirnay xaflada qalin jabin laakin maanta waxaa dareen ay nagu abuurtay xafladan maanta aynu joognay ay ku qalin jabiyeen 80 gabdhood oo loosoo tababaray xirfada macalinnimada”.
“waxaad ogaataan in ummadan ay muddo kusoo jirtay jahli, burbur, kala daadsanaan iyo dhibaatooyin kale oo fara badan ayaa la’idinka rabaa inaad u horseedaan aqoon iyo horumar” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Jaamacada muqdisho oo ah jaamacaddii xiligii burburka ka hanaqaaday dalka ayay ummada Soomaaliyeed u noqotay tiir dhaxaad wuxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda sii labalaabaan.
Jaamacadda muqdisho ayaa bilowday tababarka macalimiinta sanadkii 2009kii iyadoo soo saartay macalimiin tayo iyo aqoonleh.

Thursday, 22 September 2016

DULLI MID AAN AQBALI KARIN

Dulmiyada dhacaayoo
Dabkoodii ummado gubi
Dumar Iyo caruur Iyo
Danbilaawe wada dili
Marna kaama daahnee
Ku dadaal in aad tahay
Dulli mid aan aqbali karin
Gardarrana aan door bidin
Dadkiisana xumayn karin
Dunidana aan hoog badin
Danta guudna u halgama
Iyadaa wax deeqdoo
Danta gaara kuu fidin

Tuesday, 20 September 2016

Isla yaab !!!

Waxaa yaab leh in ruux la yaabo dadka kale dhaqankooda, Iyo qaab-nololeedkooda, isaguna isla toosanyay oon waxba Ka khaldanayn.

Waxa yaabka keena in Ka mid ah
Markay koox dad ihi meel gaar ah ku nooshahay oo aysan inbadan dheehin dadad kale, arkinna wax khilaafsan siday yihiin, siday u hadlaan, siday u labistaan dharka,siday u cunaan cuntada,
Siday u kaftamaan, Iyo qaabka guurka.

Friday, 16 September 2016

XIL WAREEJINTA MASUULIYADA MOGADISHU UNIVERSITY



Waxay ii ahayd September 3, 2016  maalin cusub oo ku soo biirtay nolashayda.
19 sano Ayaan madax Ka soo ahaa Jaamicadda Moqdisho taas oon goostay in aan soo afjaro maanta.
Dr Ibrahim Mohamed Mursal ayaa noqday Gudoomiyaha Jaamicadda Moqdisho.

Waxaan leeyahay Mabruuk Dr Ibrahim adiga Iyo Maamulka cusubna waxaan idiin rajaynayaa khayr Iyo guul waarta.




Tani waa afarray aan Ka tiriyay munaasabadii XIL wareejinta MU Ee taariikhdu ahayd :3- 09- 2016
Dadaal la isla wada oo
Dadku aay waldaafshaan
Maal waynna loo huro
Hogaankuna wax-garad yahay
Musuq maasuq aan wadan
Culayskana walwaalaan
Wanaageeda oo idil
Wadankana ku fidiyaan
Khayaanana warkeed jirin
Waxbarashaa mudnaan u leh
Wadiiqaha habboon ee
Waddo toosan nagu ridi
Waligeed qalloocsamin
Waddankana hormarin kara
Walaacana ka bixin kara
Haddii waafi loo wado
Manhajkuna war saxan yahay
Wax barashaa albaab u ah
Intii aan wadku I helin
Caqliguna waxgarad yahay
Waddankiyo dadkaygaba
Wax kastoon u qabankaro
Waa wacad ILAAHAY
INAAN wado intaan jiro
Waxaan kaashandoonaa
Walaalahan horjoogiyo
Inta weedhan maqashiyo
Soomaali wadarteed

QALIN BADALASHADA DUFCADII 16.AAD EE MOGADISHU UNIVERSITY





Dufcaddii 16-aad Ee Jaamacadda Muqdisho Oo Loo Sameeyay Xaflad Qiimo Badan Loona Riyaaqay
Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 30/8/2016-ka waxaa xaflad qalin jibin ah loo sameeyay dufcaddii 16-aad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Muqdisho.
Ugu horayn waxaa kahadlay guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda Muqdisho Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa yiri maanta xafladan aan joogo waxay ii leedahay laba xusuus oo aad muhiim u ah, midda koowaad furitaankii Jaamacadda Muqdisho waxay ahayd riyo laakii waxay isu badashay farxad iyo horumar, ardayda maanta qalin badalanaysa waxaa loo jeexay waddo waxaase laga rabaa inay wadadaas toosiyaan kana ilaaliyaan qodxaha ogaada inad tihiin dad lasugayo oo loo han waynyahay.


Mid kamid ah ardaydii qalin jabisay oo kahadlay goobta xaflada ayaa ka sheekeeyay “waxyaabaha ay goonida u tahay Jaamacadda Muqdisho wuxuuna sheegay waxkasta oo laqabanayo Jaamacadda Muqdisho way u nidaamsan yihiin, waxbarashada waxaa dheeri noogu ahaa waxaa nala baray nidaam iyo maamul dheeri ah” wuxuuna umahad celiyay ardayda maanta qalin jabinaysa iyo maamulkaba.
Cabdirashiid Khaliif , agaasimaha machad Heritage ahna masuul u hadlayay SomaliRen oo ku midaysanyihiin in kabadan 13Jaamacadood iyo machadyo cilm baaris ah oo ku yaala dhamaan gayiga Soomaaliyeed ayaa umahad celiyay Jaamacadda Muqdisho oo ku tilmaamay inay tahay hooyadii waxbarasha iyo rajadii bulshada Soomaaliyeed sababta oo ah xili dadka ay rajo beel ku jireen ayay u abuurtay rajo, wuxuuna ku amaanay hawl qabadkeeda dheeriga ah iyo waxbarashada tayaysan.

Mid kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Cali Caadle oo kuhadlayay waalidiinta ay ardaydooda qalin jibinayeen ayaa umahad celiyay masuuliyiinta Jaamacadda Muqdisho isagoo ku amaanay inay wax badan bulshada u qabteen isagoo wajigiisa ay ilini soo dhaaftay farxad darteed wuxuuna umahad celiyay dadka xaflada kasoo qaybgalay.



Ugu dambayn guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa sheegay sheekada furitaanka jaamacadda Muqdisho ayaa kasoo bilaabatay 1993-kii “maanan lataahin Jaamacadda dhamaystir bay u ahayd ee ma ahayn bilaw” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

“dadka waxaa dila waxa ugu wayn waa jahliga waxaana mudan in loo mahad celiyo waalidka oo gacan wanaagsan kulahaa jiritaanka Jaamcadda Muqdisho.”
“maku faraxsanin Jaamacado aan tayo lahayn inay furmaan laakiin waan soo dhawaynaynaa in lafuro Jaamacado kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.
Wuxuu kusoo gabagabeeyay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho gabay oo isagu leeyahay oo uu kula dardaaramayay ardayda maanta qalin jabinaysay:-
(Talaabadda udheeree Markaad tiigsan himilooyin.)

Munaasabaddii xafladana waxay kusoo idlaatay jawi wanaagsan oo quruxbadan loona riyaaqay.

Thursday, 15 September 2016

CIIDAY MAXAAD TAHAY





Ciiday maxaad tahay?
Ma Astaan colaad Iyo

Dagaal calanki baa tahay?  
 Mise ceebta qarankaad
Cidwalababa baraysaa?
Ummad aan caruurteed

Cunto deeqda siin karin
Caawin karin aqoontood
Colaadana ka damin karin
Siday ciidu ugu timid
Iyo farax ciyaartiis?

 







Saaxiibayaal waxaan maalmahan ku jirnay ciidii xajka oo ummadda muslimku u dabaaldagto sana walba maalmahan oo kale.
Waxaan ogsoonahay ciidani in ay tahay mid dhiig badan Ka qulqulaayo in badan OO dalalka muslimiinta ka mid ah.
Malaayiin caruurteenna ah ayaa darxumo, silic, gaajo,Iyo jirro u dhimanaaya maalmahan, kuwaa oon inala qaybsanaynin farxadda ciida Iyo raynrayteeda qaarkeen ku jiro.
Arrintu intaa way ka culustahay
oo inkamid ah dadkeenna waxay ku naf-waayaan dagaallo ay heshiis ku yihiin xoogaga ugu waawayn adduunka maanta, kuwaas oo garab siiya qaablaawayaasha fadhiya kuraasta xukunka, taasoo keentay xasuuq abuuray dhimasho, dhaawac, burbur aan xad lahayn, qax, Iyo dhib saameeyay muslimiinta intoda badan, oo soomaalido Ka mid tahay.
Sabab kasta oo loo sheego waxa dhacaaya, Iyo magac kasta oo loo bixiyo natiijada Ka dhalatay waa naafaynta xooga ummada muslinka ah, iyo in la kala qoqobo deegaankeeda, loona abuuro cadaawad horleh oo soconkarta muddo dheer, lana factirsata jiilasha soo socda.
Waxaa mudan xusuus, fiiro gaar ah qiimaha badan ee tiirka Xajku leeyahay Iyo wuxuu xanbaarsanyahay oo tusaale u ah midnimo dhamaystiran haddii la raaco jidkaas, oo keeni karta dib u abuurka dadnimadeenna, dib u yagleelka ummadeenna, Iyo daawaynta jirrooyinkeeda naafeeyay xoogeenna, kala dilay midnimadeenna ilaa aan la kala safannay cadowga runta ah, oo gacmaheenna aan isku dilnay.
Waxaa aad u kala durugsan waxay ku dhalatay ciidani, oo ah raacidda Amarka ILAAHAY, waxa laga rabo in ay keensato oo ah iskuduubni, Iyo qaab-nololeed munaasab ah.
Markuu dhib wayni dhoco wuxuu keeni caqliga saxani in la iswaydiiyo:
" maxaa keenay dhibaatadan?.
Sidee loo raadiyaa xal waara"?
Sidee loo daaweeya cudurada dilaaga ah ee ku fiday ummadeenna?
Wax walba oo xumaan ah oo ku timaadda nolasha binowaadmiga
Iskama timaadee waxay salka ku haysaa falal aan hagaagsanayn, oo qaarkeen ku tallaabsaday, ama waajibaad laga gaabshay oon sidii la rabay loo gudan, ama xuquuq dadka Iyo dalku lahaa oo dariiqeedii gaftay, si dulmi ku jirana loo maamulay. Kana durugtay hilimadii cadaalada.
Markuu fido dareenka dulmigu diwaynna ugu baaho bulshada, oo koox badani ogaadaan in ayna helaynin gargaar, gurmad, Iyo wax u hiiliya oo ka dhacsha kuwa ka maroorsaday xaqoodii, ayaa waxaa curta kacdoonno ku salaysan wax-iska caabin, oo marar badan ka dhadha xanaaq aanu la soconin xigmad Iyo fikir miisaaman.
Aad iila fiiri adoo dagan!!!
Yaa wada nool oo daris ah?
Waxaa wada nool oo isdaawanaaga dadka Soo socda.
Inta aan hasan wax-barasho oo jidadka magaalooyinka dhex taagan saacadihii wax barashada waxay daawanaayaan caruur filkood ah oo habaysan galab Iyo subax
Inta baahan ee arradan waxay daawanaayaan inta dharagsan ee dhar cusub gadatay oo ku farasan ciidda.
Inta jirran ee ku guul-darraysatay in la daaweeyo waxay daawanaayaan inta caafimaad qabta oo jirkoodu iftiimaayo.
Inta wayday meel ay ka galaan qoraxda, roobka, Iyo dabaylaha waxay daawanaayaan kuwo shalay la mid ahaa, oo muddo gaaban daaro dhaadheer ka dhistay xoolihii ka dhexeeyay ummadda.
Arrintu intaa waa ka sii durugsantahay oo waxaa weheliya in dilna u dheer yahay aan la aqoonin sababihiisa.
Sidaan ku ciidaynnaa waa sidan.
Waan kala qaybsannahay, col Ayaan isu nahay.
Ma sidan ayaa nabad lagu heli?
Ma dariiqan ayaa keeni Dowlad run ah?
Ma sidan ayaan nolal sax ah ku helaynaa?
Mise waxaan uruurinaynaa xaabadii lagu shidilahaa dabka gubidoona innaga Iyo wax kasta oon maanta haysanno oon ku faraxsannahay.?
Ruux kasta wuxuu kara in uu xubin ka noqdo abuurida xalka.
Midka bilaaba noqo, ama Ka taageera noqo, hase noqon inkaar qabaha aan labadaa midna ahayn
Ciid wanaagsan ma diidani ee badigoob ayaan ugu jiraa!

Tuesday, 23 February 2016

Yaa galay danbiga culus

Taladii gurracantoo
Geedigu ma toosnee
Gafka soo nonoqon iyo
Yaa galay danbigan culus?

Dadka gurada saaree
Guudkiisa soo fidhay
U garwaaxshay calankoo
Qaranka GAADH Ka hay yidhi
Ruuxaysan garanayn
Aqoontiisa guud iyo
Intuu garasho leeyahay
Dawladnimo xilkeed gayo
Danta guudna fulin karo
Gurmad saxa u gali kara
Dad waynahan la gaasiray
Dhiigoodu gobo'layn
La ganbiyay xaqoodiis
Garowshana aan wali helin
KUWAASAA DANBIGA GALAY

Wednesday, 10 February 2016

Cilmibaa sancada dhala

Inta saro la taagiyo
Dayuurado sabbayn Iyo
Sancadaas dhan lagu helay?

Sawaariikhda duushiyo
Jidadkaa lawada simay
Injanneerro saxa oo
Siyaasada waxbarashiyo
Cilmi lagu saleeyaa
Sababtooda lagu helay

Soomaali waynaay
Warku saa ma kula yahay?
Mise surin kaleetaa
Sancadaadhan lagu helay?