War ma kala-dan baan nahay?
Waa lama dagaan iyo
Dayr wehel la'aanoo
Cabsi iyo darxumo badan
Dabayshoodu kula tagi
Dabin cadow u dheeryahay
Nafci kama danbeeyee
Ha isku dayin inaad tahay
Mid danaysta kaligii
Dantadiyo dantaydiyo
Intakale dantoodaa
Isku daaban abidkood
Oo dawlad calankeed
Dammaashaadka loo dhigay
Dalku nabadna soo maray
Hadday kala durkaan saban
Danahaan wadaagnaa
Way wada dumaayaan
Dadaal culus la'aantii
Dibna looma kabi-karo
Waa daliil madoontee
Dib u eeg wixii dhacay
Markii danaha guud iyo
Dadku waxay wadaageen
Dadaal waynna loo galay
Isku duubni lagu helay
Qaar duluc u leexsaday
Meel daran la aadeen
Maxaa Dhiig la daadshoo
Bir-magaydo la dooxoo
Danaystuhu dabkuu shiday
Wali daaro gubayaa
Dadku kala qaxaayaan
Durbaankiyo colaadaha
Danankoodu baxayaa
Oo loo dabaal dagi
Dadwaynahaan su'aaliye
Kuma yay dantii tahay?
No comments:
Post a Comment