Thursday, 15 September 2016

CIIDAY MAXAAD TAHAY





Ciiday maxaad tahay?
Ma Astaan colaad Iyo

Dagaal calanki baa tahay?  
 Mise ceebta qarankaad
Cidwalababa baraysaa?
Ummad aan caruurteed

Cunto deeqda siin karin
Caawin karin aqoontood
Colaadana ka damin karin
Siday ciidu ugu timid
Iyo farax ciyaartiis?

 







Saaxiibayaal waxaan maalmahan ku jirnay ciidii xajka oo ummadda muslimku u dabaaldagto sana walba maalmahan oo kale.
Waxaan ogsoonahay ciidani in ay tahay mid dhiig badan Ka qulqulaayo in badan OO dalalka muslimiinta ka mid ah.
Malaayiin caruurteenna ah ayaa darxumo, silic, gaajo,Iyo jirro u dhimanaaya maalmahan, kuwaa oon inala qaybsanaynin farxadda ciida Iyo raynrayteeda qaarkeen ku jiro.
Arrintu intaa way ka culustahay
oo inkamid ah dadkeenna waxay ku naf-waayaan dagaallo ay heshiis ku yihiin xoogaga ugu waawayn adduunka maanta, kuwaas oo garab siiya qaablaawayaasha fadhiya kuraasta xukunka, taasoo keentay xasuuq abuuray dhimasho, dhaawac, burbur aan xad lahayn, qax, Iyo dhib saameeyay muslimiinta intoda badan, oo soomaalido Ka mid tahay.
Sabab kasta oo loo sheego waxa dhacaaya, Iyo magac kasta oo loo bixiyo natiijada Ka dhalatay waa naafaynta xooga ummada muslinka ah, iyo in la kala qoqobo deegaankeeda, loona abuuro cadaawad horleh oo soconkarta muddo dheer, lana factirsata jiilasha soo socda.
Waxaa mudan xusuus, fiiro gaar ah qiimaha badan ee tiirka Xajku leeyahay Iyo wuxuu xanbaarsanyahay oo tusaale u ah midnimo dhamaystiran haddii la raaco jidkaas, oo keeni karta dib u abuurka dadnimadeenna, dib u yagleelka ummadeenna, Iyo daawaynta jirrooyinkeeda naafeeyay xoogeenna, kala dilay midnimadeenna ilaa aan la kala safannay cadowga runta ah, oo gacmaheenna aan isku dilnay.
Waxaa aad u kala durugsan waxay ku dhalatay ciidani, oo ah raacidda Amarka ILAAHAY, waxa laga rabo in ay keensato oo ah iskuduubni, Iyo qaab-nololeed munaasab ah.
Markuu dhib wayni dhoco wuxuu keeni caqliga saxani in la iswaydiiyo:
" maxaa keenay dhibaatadan?.
Sidee loo raadiyaa xal waara"?
Sidee loo daaweeya cudurada dilaaga ah ee ku fiday ummadeenna?
Wax walba oo xumaan ah oo ku timaadda nolasha binowaadmiga
Iskama timaadee waxay salka ku haysaa falal aan hagaagsanayn, oo qaarkeen ku tallaabsaday, ama waajibaad laga gaabshay oon sidii la rabay loo gudan, ama xuquuq dadka Iyo dalku lahaa oo dariiqeedii gaftay, si dulmi ku jirana loo maamulay. Kana durugtay hilimadii cadaalada.
Markuu fido dareenka dulmigu diwaynna ugu baaho bulshada, oo koox badani ogaadaan in ayna helaynin gargaar, gurmad, Iyo wax u hiiliya oo ka dhacsha kuwa ka maroorsaday xaqoodii, ayaa waxaa curta kacdoonno ku salaysan wax-iska caabin, oo marar badan ka dhadha xanaaq aanu la soconin xigmad Iyo fikir miisaaman.
Aad iila fiiri adoo dagan!!!
Yaa wada nool oo daris ah?
Waxaa wada nool oo isdaawanaaga dadka Soo socda.
Inta aan hasan wax-barasho oo jidadka magaalooyinka dhex taagan saacadihii wax barashada waxay daawanaayaan caruur filkood ah oo habaysan galab Iyo subax
Inta baahan ee arradan waxay daawanaayaan inta dharagsan ee dhar cusub gadatay oo ku farasan ciidda.
Inta jirran ee ku guul-darraysatay in la daaweeyo waxay daawanaayaan inta caafimaad qabta oo jirkoodu iftiimaayo.
Inta wayday meel ay ka galaan qoraxda, roobka, Iyo dabaylaha waxay daawanaayaan kuwo shalay la mid ahaa, oo muddo gaaban daaro dhaadheer ka dhistay xoolihii ka dhexeeyay ummadda.
Arrintu intaa waa ka sii durugsantahay oo waxaa weheliya in dilna u dheer yahay aan la aqoonin sababihiisa.
Sidaan ku ciidaynnaa waa sidan.
Waan kala qaybsannahay, col Ayaan isu nahay.
Ma sidan ayaa nabad lagu heli?
Ma dariiqan ayaa keeni Dowlad run ah?
Ma sidan ayaan nolal sax ah ku helaynaa?
Mise waxaan uruurinaynaa xaabadii lagu shidilahaa dabka gubidoona innaga Iyo wax kasta oon maanta haysanno oon ku faraxsannahay.?
Ruux kasta wuxuu kara in uu xubin ka noqdo abuurida xalka.
Midka bilaaba noqo, ama Ka taageera noqo, hase noqon inkaar qabaha aan labadaa midna ahayn
Ciid wanaagsan ma diidani ee badigoob ayaan ugu jiraa!

No comments:

Post a Comment