Thursday, 20 June 2013

Mid indha la ha daba galin





Dadku waxay is waydiin
Dadnimadiisa kaa gadi
Oo dooni dhimashada
Duruuftiisu waa maxay?!

Xornimada nin diidaa 
Abidkii dib uma helo
Dibna wuu ka ooyaa
Dullina wuu ku daaimi

Addoonimo nin doortaa
Dariiq badan ayuu heli
Dabinkeeda lagu galo
Xornimana is daayaan

Waa laba dariiq oon
Isku soo darayn abid
Adigaa dantaa oge
Kala dooro labadaa

Caqligiisa diidaha
Indhahaa dadkaa kale
Aragooda doortee
Danahooda ku cabbira
Marna tiisa aan dayin
Inne aragi waa dame
Yuu dowga kaa ridin

Ha ku dayanin kaasoo
Ha ku guban dabkuu shidi
Iyo dabinaduu dhigi
Ha is dilin adoo nola
Mid indha la ha daba galin

1 comment:

  1. Addoonimo nin doortaa
    Dariiq badan ayuu heli
    Dabinkeeda lagu galo
    Xornimana is daayaan.
    Intaaas baan aad uga helay, allaha ku xifdiya sheekhunaa.

    ReplyDelete