Dabinada addoonsiga
Nolasheennu waa goob wax barasho oo daa'im ah, waxay na siisaa duruus aan marna istaagin, taasoo u baahan inaan nahay arday u diyaar ah aqoon korarsi ay hogaamin maskax furan oo soo jeedda amarka siinaysa cubnaheena oo idil, taas oo ka digtoon in meel kale cidi ka hagto, si aynaan u waayin xornimadii ay inagu dhalaeen Hooyooyinkeen. Kuwa ilaaliyay dadnimadooda, horiyadooda, danahooda ayuu
Qoraanku wuxuu ku tilmaamay inay yihiin (اولي الأبصار) kuwa wax arka ama( أولي الألباب) kuwa caqliga leh
{يُقَلِّبُ اللَّهُ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَعِبْرَةً لِأُولِي الْأَبْصَار}
Alle ayaa kala badala habeen iyo maalin oo gadgadiya maddaas waxaa ugu sugan inta wax aragta tusaale iyo cibrooyin.
Aayad kale ayuu Alle ku leeyahay:
{قُلْ لَا يَسْتَوِي الْخَبِيثُ وَالطَّيِّبُ وَلَوْ أَعْجَبَكَ كَثْرَةُ الْخَبِيثِ فَاتَّقُوا اللَّهَ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ}
Ma sinna xume iyi samaan haba kaa yaabsato xumaanta badnideedu, dadka caqliga lahow Alle ka cabsada oo xaqa raaca dariiqa guusha aad ku gaadhaysaan waa kaas mid kalana maaha.
Diinteennu waxay horseed u tahay in lagu noolaado xorriyo aan naaqis ahayn uu hogaamiyo caqligu, waxayna diiday in la noqdo xiidmaha oo kale oo kulma dhinicii loo jiido u jiidmaayo.
Nabigeenna suuban wuxuu yidhi( لا تكونوا إمعة إن أحسن الناس أحسنتم وإن أساأوا أسأتم)
Tixdan soo socota waxaan tiriyay mar aan arkay dad badan oo iibinaaya xornimadii ILAAHAY ugu deeqay oo dhaafsanaaya wax riqiis ah, iyo kuwo ka tanaasulaaya waxay rumaysnaayeen ama ay sheegan jireen oo raacaaya safaro meel ay u socdaan aysan warsanaynin, ee qaylada ayay ku lug dareen, middaas oo ka horjeeda qiimaha insaanku leeyahay oo loogu tala Aqgalay in uu qaato go'aankiisa, maxaa yeelay adduun iyo aakhiro labadaba wuxuu masuul ka yahay tallaaba kasta uu qaato!!!
Inaad go'aamadada adigu qaadato iyo in laguu qaato waa waxa u dhexeeya xornimada iyo addoonimada. Magaca tixdan waa sidan hoos ku qoran:
Dabinada addoonsiga
Dunidaan ku noolnahay,
Duruus baan ka barannaa,
Baruhuna diyaar yahay,
Dadaalkiisu badan yahay,
Marna uusan diidayn,
Daadihinta jiilkiyo,
Dadka uu la noolyahay,
Midka aan danaynayn,
Cashiradan diyaarka ah,
Oo diiday inu yahay,
Ruux darajo mudan oo,
Xornimada daneeyoo,
U halgama difaaceed,
Dariiq toosan aan marin,
Yaan hadalka deeqsiin,
Dooduna u socotaa,
Oon daawo oga dhigi,
Haddii uu danayn oo,
Qalbiguna diyaar yahay,
Anoo soo dabcinayoon,
Kugu daalin hadal badan,
Ka fogaanin dulucdiyo,
Danta tuducdan laga rabo,
Dareenkayga yaa qaba,
Haddaad dooni safar dheer,
U diyaarsantahay socod,
Doon aadan garanayn,
Inta ay diyaar tahay,
Dadka wada wuxuu yahay,
Dalka ay u socotiyo,
Dagaankiisu siduu yahay,
Dakaday ku soo xiran,
Duruufteedu siday tahay,
Lama koro dusheedee,
Dagdag yaysan kula tagin,
Adigoon diyaar noqon,
Ama aan dadaal bixin,
Daawiyo wanaag dhala,
Duruuftaad ku nooshahay,
Dib u eeg siday tahay,
Oo hubi dariiqaad ,
Ku daadihin naftaadiyo,
Danahaaga oo idil,
Hadii aad ku daashoon,
Dadaalkaagu midho dhalin,
Dad yaqaanna waydii
Ducaysoo Ilaah bari,
Ha ka daalin waligaa,
Dib u EEG waxaad qaban,
Adiigoon dusheed korin,
Dalaq dhihin bad wayn aan,
Xornimadaada daayicin,
Oon daadku kula tagin,
Dib u noqodna aan karin,
Waxaad dooni oo idil,
Dareenkaaga siiyoo,
Ku daadihi caqliga iyo,
Waxay diintu amartoo,
Dariiq nabada kugu ridi,
Dantaadana ku gaadhsiin,
Danbigana ka nab gali,
Ama daarta aakhiro,
Rabbi darajo kugu siin,
Dadka ha iska raacine,
Daadihi naftaadoo,
Waxay mudato deeqsii,
Dirqi howshu maahee,
Go'aan dacha yeeloo
Dadnimadaadu yay lumin,
Ha is dilin adoo huba,
Inaad raalli galin duul,
Danahooda aad fulin,
Sunna ay ku daaqsiin,
Adoo raadin dano uu,
Danbigoodu kula socon,
Ilaa daarta aakhiro,
Dareenkaaga dhaawici,
Intaad duni ku nooshahay,
Dib u dhowr naftaadoo,
Allaa darajo siiyee,
Ha u doorin xumo iyo,
Dagaan aan milga lahayn,
Danbarkiisu dacar yahay,
Daaquna dhunkaal yahay,
Duunyadu ku baabi'i,
Dadku baahi la idlaan,
U danbaynna kula tagi,
Meel aan dugaal iyo,
Dareen nabada laga helin,
Ku dadaal xornimaduu,
Rabbi kuugu deeqoo,
Darajiyo xil wada jira,
Duubkeed laguu xiray,
Dibna aad xisaab mudan,
Difaacana ku tahay kali,
Dooduna run ay tahay,
Dadkuna beenta dhihi karin,
Dowlad iyo qaraabiyo,
Dad ku jecel dhammaantood,
Difaac kuugu iman karin,
xornimada daneeyow,
Dullinimada ha aqbalin,
Ku dadaal wax qabad aan,
Dadnimadaada dhaawicin,
Daba dhilif ku noqonayn,
Xabsi daa'im kugu rida,
Dibna Aadan uga bixin,