Raad wanaagsan sii reeb
Ka runsheeg waxaad qaban
Hana simin run iyo been
Rabbibaa cadeeyoo
Rasuulkiisu qeexoo
Raadkoodu kala dheer
Waxay reebi halis badan
Rafaad iyo dhib joogta ah
Hadaad raacdo beenahaa
Rug nagaadi bay noqon
Iyo raaxo daaimaa
Raynrayn macaaniyoo
Riduhuna u dheeryahay
Hadaan raacno taakale
***
Raad wanaagsan soo reeb
Ka’runsheeg waxaad qaban
Bulshadana u roonow
Raaligali dadkeedana
Adigoo sir iyo caad
Sawir beena bixinayn
Shaqo saxa ku howshoon
Sabir li’ina aan qabin
Bulshadeenna silic iyo
saxariirta laga bi'in
Marna’aan sadkood cunin
Surwaal ceeba aan tolan
Oo saatirku ogyahay
***
Raad wanaagsan soo reeb
Ka’runsheeg waxaad qaban
Haddii aan rag iyo dumar
Rabitaan kuduugnayn
In lataago raas dhab ah
Looyeelo tabar culus
Saban badana loo tirin
Roobkiyo dabayluhu
Tiirkiisa ridi Karin
Rugta guriga duminkarin
Riyo iyo war beenaa
Raas lagu qotominoo
Ilmo lagu rabeeyaa
No comments:
Post a Comment