"سبحانك اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا إنك أنت العليم الحكيم"
Dhulkan laguma waaroo,
dhaxsin baad u joogtaa,
Raadkaagu uu dhumin,
wax wanaagsan sii dhaaf,
Dadkaa dhuuxi doono,
dhabahaaga soo mari,
Haddaad dhimato howl aan,
Cidna
kaa dhaxlayn qabo,
NOLASHU MAXAY U MACAANTAHAY?
Dhammaan waxaan jecelnahay nolasha aan ku jirno, layaab
malahoo waan barannay, way macaantahay,way qurux santahay, waan ku nool nahay,waxaan dadaal ku bixinnaa inaan camirno, oon dhisno, oon qorxinno , si aan u raalli galinno nafteenna iyo waxyaabaha ay jamato,baahideedana la daaweeyo,midaas waxa keenay:
1-Waxaa la inaga abuuray camuud, oo qayb ka mid ah dhulkan ayaynnu nahay,ma filaayo ruuxna inuu nici karo xumnihiisa qaar ka mid ah haddusan wax u dhinayn oon miyirkiisu dhaawacmin.ILAAHAY ayaa quraankiisa ku sheegay xiriirka innga dhexeeya innaga iyo dhulkan aan ku noolnahay,BAL AAN isla eegno oon wada aqrino aayadahan tilmaamaya sida dhulku saldhig inoogu yahay khayraad badana loo goglay, la innoogu abuuray si aan ugu noolaanno mudada aan joogaynno:
{الَّذِي جَعَلَ
لَكُمُ الْأَرْضَ مَهْدًا وَسَلَكَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا وَأَنْزَلَ مِنَ
السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ أَزْوَاجًا مِنْ نَبَاتٍ شَتَّى (53) كُلُوا
وَارْعَوْا أَنْعَامَكُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِأُولِي النُّهَى (54) مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا
نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَى(55) }
2- waxaan ugu dhagannahay dhulkan sabab ayuu leeyahay waxaa
ka mid ah masuuliyo gaar ah ayaa inaga saaran, si aan ugu noolaanno, waa in aan
ka shaqaynno wanaagiisa taaso u baahan shaqo badan inaan galinno, oo la'
aanteed dhib culus aan la kulmaynno, midani waxay waajibisay tartan dhexdeenna yaalla oo mid waliba uu rabo inuu meesha u
saraysa ka gaaro nolasha, waligiina uusan dhinacna u dhaafin adduunyadan,shaqadiisuna
ay waarto, socoto, aysan marna is dhimin, marna baabi'in.
Nafteennu Waxay Rabto Waxaa Ka Mid ah?
1-inaan
iska noolaanno oon aduunyada ku waarno
2-inaan xoolo badan helno intaan noolnahay.
3-inaan helno ammaan markhaati u
ah shaqadeenna.
4- Inaan sharaf ku noolaanno aduunyada
4- Inaan sharaf ku noolaanno aduunyada
5- Inaan aqoon iyo waayo aragnimo leenahay
6-inaan naxariis iyo janno helno
markaan dhimanno
in ka mid ah ayaa qabsoomi in kalana way inagu adkaataa, inna waa la isu
diiday oo marna laguma waaraayo dunidan oo geeri ayaa u danbayn ruux kasta oo
ku dhasha. iyado sidaa ah oon la isku khilaafsanayn ayaa waxaan iswaydiinayna sidee
ugu fiican oo loo noolaada, iyo sidee ugu fiican oo loo dhintaa loogana tagaa
camal waaro oon
kula dhimanin?
Yaa Raba Inuu Ku Waaro Aduunyada?
Sida
kali ah oon ugu waari karno aduunyada waa in aan shaqo sax ah oo la joogteeyo qabanno
intaan noolnahay, midaasa ayaa na siinaysa inaan helno waxaan rabno waxa ugu
fiican.
Shaqadeenna
oon godanno waxay na siinaysa amaal marin aad xiiso uleh, oo maxay tahay ayaan
iswaydiin karna? jawaabtu meel fog inagama jirto oo waa dariiqii anbiyada iyo inta toosan
ay qaadeen, ku shaqeeyeen, ILAAHAYNA ka baryeen.
Nabi Ibraahiim
ayaa ILAAHAY ka tuugay in loo joogteeyo shaqada u aduunka ka hayo, oo markuu
dhinto dadku ay ku ammaanaan wuxuu qabtay, jeclaysteen, oy ku daydaan wanaagu ku
beeray adduunyada, wuxuu ILAAHAY waydiistay camalkuu qabtay intuu nolaa inuu
ajirkiisu waligii u socdo, dhinaca kalana janno uu ku galo, waa aduun camiran
iyo aakhiro camiran oo is dhamaystiraysa, oo iska hor imaanaynin, isku
dhacaynin.
Aan
wada aqrino aayadahan qoraanka ah:
{رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ (83))
{رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ (83))
وَاجْعَلْ لِي لِسَانَ صِدْقٍ فِي الْآخِرِينَ (84) وَاجْعَلْنِي مِنْ
وَرَثَةِ جَنَّةِ النَّعِيمِ (85
Waa
faa'iido yaab leh, waa shaqo aan laga fariisanayn, lagana duqoobaynin,lagana
daalaynin,lagaan iryi karin, waa wax aan lagaa dhaxli karin, Waxay ka
dhigantahay adoo ku waari dunidan , oon ka dhimanaynin shaqadaada, wanaagaaguna
uu tarmaayo, sii fidaayo, oo khayrkaagu dunida iftiiminaayo adoo ka maqan
meeshaba oo booqeeda ku dhex jirin.
NABIGEENA SUUBAN
AYAA WUXUU INAGULA DARDAARMAY XADIITH MACNIHIISU YAHAY: (HADDII QIYAAMADU KU TIMAADO MID IDINKA
AH OO GACANTA KU HAYA LAAN HA BEERO) jiil walba wuxuu ka faa'iidaystay wuxuu qabtay
kii ka horreeyay, jiilkii wax dhaxal gal ah ka tagi waaya wuxuu khasaare ku yahay adduunyada
Raad
wanaagsan sii reeb, rugtan laguma waaree