Tuesday, 4 November 2014

GO'AAN XUN WAA INA AYO?

Haddaad garato waxa aad gashiyoo
Goobta logahaaga

Garaadkaaga dhimirtiisu tahay
Mid aan wax soo gaadhin

Ama gaar wixiisa u watoon
doodba galinaynin

Go'aan qalad ah in aad qaadataa
Waa wax soo gudhay e

Taladaadu yay geeri dhalin
Qaranka soo gaadha