Friday, 14 March 2014
Sunday, 2 March 2014
Waalli qaybo badanaa!
Waalli qaybo badana!!!
Wuxuu ahaa nin kor u dhaafnay 60 sano, da'du way ka muuqatay, xanaag addoonsaday ayaa qariyay dadnimadiisii iyo wixii laga sugaayay isagoo kale, waxaa afkiisa ka soo baxaayay warar qallafsan oo qallocan kana yaabsaday dadkii goobtaa joogay dhammaantood, cidina uma jawaabayn, si yaab leh ayay dadku u fiirinaayeen war xumahaas u dulloobay farsamadiisa ay addoonsatay qaab dhaqan ka leexiyay wadadii ku toosnayd Diinta iyo Dhaqanka labadaba.
Waxaa yaab lahayd markay dhammaan ka dareereen intii goobtaas joogtay, anoon wali garanin hubkan iska daba dhacaaya meesha lagu ridaayo, anna aan ka durkay oon isku mashquuliyay shaqo yar oo ii taallay, kalidiis ayuu daldalmaayay, wuxuu sii waday caydii iyo Af xumadii, dhidid ayaa aad uga qubanaayay dagaal kama danbaysana wuu ku jiray, waxba iskama badalin ilaa markaas.
Waxaan iswaydiiyay yuu ku xanaaqsanyahay uu la caytami hadda, inne waa laga kala tagay'e,? muddo aan yarayn markuu sii waday ayuu aad u daalay oo tabartii ka yaraatay, markaas ayuu si qaab daran u dhaqaaqay isagay ka muuqato murug iyo ciil.
Hareeraha intuu dayay ayuu u dhaqaaqay meel cedla ah oo ka fog dadkii uu ku caraatamaayay, waxaan soo aaday dhibanayaashii laku rafaaday caydooda, waxaan waydiiyay: Maxaad ninka isaga waabin waydeen ood isaga celin waydeen?
Waxay iigu jawaabeen sidan:
Waa nin ka xoroobay xishood iyo dadnimadiisii oo samayn kara wixii ku soo dhaca dhammaantii, taasina waa qayb ka mid ah waalida, ee miyaan waalannaa? Ma waxaad na leedahay si aan u samaynno waxan oo kale ka xorooba dadnimada?
Waxay I xusuusiyeen xaddiiskii Nabiga salaani dushiisa ha ahaatee ee macnihiisu ahaa:
( Haddaadan xishoonayn waxaad rabto samee) ruuxii akhlaaqda ka xoroobay wuxuu ka dhexbaxay wax kasta oo sax ah, oo wuxuu samayn karaa wax kasta oo ku soo dhaca isagoon ilaalinayn xadkii loogu talagalay
{إذا لم تستحي فاصنع ما شئت}صدق رسول الله صلى الله عليه وسلم
ويقول عليه السلام { الحياؤ من الإيمان}
Tixdan (WARXUMOW) ayaa ugu soo dhacday iga gudooma akhyaaray.
War xumow wax baa dumin
Wadiiqaha aad qaadana
Walbahaar cabsi leh iyo
Wareer kama dhammaadee
Waallidu maxay tahay
Waxba aan la dhowrayn
Wareerkana la joogtayn?
Wanaag iyo jacal baan
Waligood hallaabayn
Waxna aan dhibayn abid
Waydii dad soo jiray
Wax aqoon u dheertahay
Waxaad qabanna ku saxa
Waanaday ku siiyaan
Wehel jooga kuu noqon
War xumadu dhib bay dhali
Wadnahaaga qay bay
Waraabaha cunsiisaa
War xumada xanaaqaa
Waddo dhiig kar kugu ride
Waligii bogsoonayn
War xumada xanaaqaa
Waajibkii Ilaahay
Wax khilaafsan kugu toli
wanaagii aad qabatay
Wasakhayn dhammaantiis
Wadadaad maraysay
Wax qarxiyo dhib kuu dhigi
Walaalaha is jecel bay
Woxoodoo dhan dumisaa
Wiilkii aad korisay
Warmo kuugu dhiibtaa
Waalid iyo caruur bay
Wanaagooda kala gayn
Wadan nabad u joogay
Wareerkii dagaal galin
War xumow wax maad bi'in
Wasakhdaa aad kala diri
Warmihii ku dilayiyo
Wadkaagay abuuriye
Walbahaar ku noolow
Waligaa digtoonow
Wax ku dhiba ayaa jiri
Waligaana kula socon
Subscribe to:
Comments (Atom)