Dhimasho waa waqtiga dhuma
Dhulkan aan ku noolnahay
Dhaxsin baan ku wada nahay
Dhowr maalmo howshood
Yaan dhammays tiraynnaa
Haddaan dhaqanka la kharibin
Dhawaan waa la faaruqi
Oo dhimasho yaa iman
Dhammaanteen u simannahay
Dhab waxaan u fulinnoon
Sacaddiisa dowrnoon
waajibkiisu dhumin baan
Barri dheefsanaynaa
Dhaxal ubad u noqon kari
Dhismo sharaf leh noo noqon
Danbi dhaafna lagu heli
Dhaqaaleyso noloshoo
Dhoodhoof la aan iyo
Hurdo aan dhammaan iyo
Yaan dabin laguu dhigin
Dheel dheelna ha aqbalin
Waqtigaaga oo dhuma
Dhib yaraanna kugu mara
Waa nabar dhibaatoon
Dhaawiciisa laga kicin
Oo dhimasho kuu sida
Ummad dhimashadeed waa
Waqtigeeda oo dhuma
Maalintii ku dhaaftaa
Way KAA dhammaatee
Dib howdhigin adoo kara
Dhammaan howsha kuu taal
Inaad wada dhammaysoo
Aysan dhaafin madasheed
Dibna Aadan wax u dhigin
Barri dhibo kalaa jira
Dharaar aan imaanayn
Waqtigeedu uu dhacay
Qoraxdeeduu dhalanayn
Shaqaan meel u sii dhigi
Markalaan dhammaystiri
Waa Dhaqane qallocsamay
Dhalanteedna lagu hagi
Lagu dhisay waxa an jirin
Dhabna aana noqonayn
Sabankaad dhix joogtay
Dhabta nolashu ku egtahay
Inaad dhaafi meeshaa
Waqti kalana dhimanyahay
Dhulka sii camiri kari
Ma ogtahay inay dhici?
Dhalanteed ku noolow
Xaqiiqada dhabteedana
Dhagahaan furaystoo
Dhawaaqeedu ima solo
Taasi waxay u dhigantaa
Waqti dhacay ayaan qaban
Waan soo dhamaystiri
Howllihii dib loo dhigay
Waqtigoodi uu dhumay